Wasiirka Ciyaaraha Oo furay Kulan Lagaga Hadlayey Xeer u sameynta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada

0
493

Picture2Hargeysa(Geeska)- Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyo Dallada SONYO oo Kaashanaya Hay’adda Mercy Corps oo ay maalgelisay USAID ayaa soo abaabulay soona agaasimay kulan aad u xiiso baddnaa oo lagaga doodayay xeerka Maamulka iyo Maaraynta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda, kaas oo uu hore ugu dhawaaqay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) isla markaaana dhawaan si rasmi ah u shaqayn doona, ka dib marka la dhamaystiro xeerkiisa maamul  lana magacaabo guddida maamuli doonta.

Kulankan oo ka qabsoomay Maansoor Hotel ayaa socon doonaa muddo laba cisho ah, waxaana ka soo qayb-galay furitaankiisi xubno Wasiiro ah oo ka socday Xukuumada, Ardayda Jaamacadaha, Aqoonyahano Madax banaan iyo Ururo dhalinyaro, waxaa sidoo kale kulankaas ku wehelinayay shaqaale ka tirsan Hay’adda Mercy Corps. Waxaa la filayaa in labada cisho ee uu socdo kulankani in lagu dhamaystiro Xeerka maamulka Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda. Xeerkaas ayaa ay wararku sheegayaan in loo gudbin doono Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha oo iyadu u sii gudbin doona Gollaha Wasiirada Somaliland iyadoo halkaasna mar labaad lagaga doodi doono, laguna gorfayn doono ka dibna loo bandhigi doono Madaxweynaha Somaliland oo isagu ugu dambayn saxeexi doona Xeerkan isla markaana Digreeto Madaxweyne ku magacaabi doona Guddida Maamulka Sanduuqa.

Xafladii furitaanka kulankan labada cisho ah ayaa ay ka soo qayb-galeen xubno ka tirsan Wasiirada Somaliland, madaxda Dallada SONYO iyo Hawl-wadeenada Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha, Caafimaadka, Shaqada iyo Qorshaynta. Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Dallada SONYO Mubaarig Ismaaciil Taani oo sheegay ujeedada kulan hawleedkan loo qabtay inay tahay in Xeer loogu sameeyo Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda, Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in Sanduuqani uu wax weyn ka tari doono Baahiyaha Dhalinyaradda, iyadoo 2% lagaga dari doono Miisaaniyadda Qaranka, iyadoo Sanduuqan ay maamuli doonaan Guddi Qaran oo hagaya Siyaasadda lagu maamuli doono Sanduuqan kuwaas oo ka kala iman doona Hay’addaha Dawladda, kuwa Caalamiga ah iyo Wasaaraddaha ay ka midka tahay Wasaaradda Dhalnyaradda, waxaana Guddidan soo magacaabi doona Madaxweynaha Somaliland. Waxaa sidoo kale ka mid ahaa Masuuliyiintii Madashaas ka hadlay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Cabdilaahi Abokor iyo Cali Maxamed Jaamac oo ahaa masuul ka socday Hay’adda Mercy Corps.

Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka hadlay oo furay kulankaasi Wasiirka Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal oo xusay in maanta ay tahay maalin ahmiyad iyo Qiimo weyn u leh Dhalinyaradda Somaliland, Wasiirka oo ku soo hal-qabsaday kalmadii Guddoomiyaha Dallada SONYO ayaa tilmaamay in Sanduuqani uu dhalinyaradda Somailand ka Caawinayo dhinacyo baddan oo ay ka mid yihiin Shaqo abuurka, Dhaqaalaha iyo Tahriibta guud ahaan sidii Dhalinyaradda Somaliland loo horumarin lahaa. Wuxuu intaasi ku daray Wasiirku in Sanduuqan ay aasaas u tahay in loo sameeyo si loo garto meelaha uu ka imanayo dhaqaalaha lagu shubayo. Marka uu xeerkani samaysmo waxaa loo gudbin doonaa Gollaha Wasiiradda ee Xukuumada si ay uga doodaan ka dibna u ansixiyaan maadaama uu Madaxweyanaha Somaliland uu ku yaboobay $100,000 ee u horeeyay.

Wasiirku waxa uu ku nuux-nuuxsaday inaan lacagtaasi lagu shubayn ilaa la soo sameeyo Akown iyo siyaasad lagu maamulo. Ugu dambayntii waxa uu ka hadlay wasiirku Facebook-ga oo maalmihii ugu dambeeyay lagu soo qorayay arimo aan sal iyo raad toona lahayn oo u baahan in laga fiirsado.