Wasiirka Cadaaladda Oo Shacabka Uga Digay Ammaanta Xadka Ka Baxsan Ee Madaxweynaha Iyo Madaxda Xisbiyada

10
1026

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka cadaaladda Axmed Faarax Cadare, ayaa dadka uga digay amaanta xadka ka baxsan ee lagula dul dhaco madaxda dalka gaar ahaan madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada.

Wasiir Cadare, oo hadal ka jeediyay munaasibad loo qabtay dhallinyaro shalay ku biirtay xisbiga KULMIYE, wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo guddoomiyaha KULMIYE aanay jeclaysan ammaanta tooska ah "Qaran baynu nahay oo xisbi iyo xukuumad ayaynu nahay oo madaxweyne ayaa hoggaamiya shaqsiyada gaarka loo amaanayo ee ama madaxweynaha ama guddoomiyayaasha xisbiyada toos loo amaanayo waa ku ceeb marar badana way ka hadleen ee halaga daayo.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Xisbiga ha la amaano,qaranka ha la amaano oo xukuumada ha la amaano, tan tooska ah ee aad gaarka u weeraraysaan ma jeclaystaan oo waa waxyaabaha qofka jarka ka tuura, qofka gaar meel u maamula haddii la amaano way taraarisaa, aynu ka dayno oo aynu cadaalad ka samayno, waxii wanaagsan ee ay qabtaan halagu amaano, laakiin amaantan tooska ah ee casriyaysan aynu ka ilaalino."

 

Comments are closed.