Wasiirka Cadaalada Oo Ka Waramay Maxaabiis Budhcad Badeed Ah Oo La Sii Daayay

0
534

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Axmed Faarax Cadare, ayaa ka hadlay Todoba maxbuus oo ahaa burcad badeed muddo ku xidhnbaa jeelka Hargeysa, oo laga soo qabtay  Seychelles, oo Xukuumaddu siidaysay, kadib markii ay Xukunkoodii dhamaysteen.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Axmed Faarax Cadare, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo ka hadlay heerka cadaalada Somaliland marayso, abaaraha iyo waliba shuban biyoodka ka dilaacay deegaano ka tirsan Somaliland, waxaanu yidhi “Sidii aan Warsaxaafadeed ku soo saaray, waxaanu amarnay in la sii daayo todaba maxbuus oo muddo xidhnaa, kuwaas oo laga soo qabtay  Seychelles, maxaabistan oo lagu qabtay falal budhcad badeednimo ah,ayaa saddex ka mid ah waxay ka soo jeedaan Somaliya, halka afarta kalena ay ka soo jeedaan Puntland, tan iyo intii ay Somaliland ku xidhnaayeen waxay ka heleen daryeel, dhaqan celin, waxbarasho,haba yaraate wax duruuf ah oo ay arkeena ma jiraan, kharashka dib u celintooda iyo xanaanayntoodana waxa bixiyey Wasaaradda Cadaalada”.

Wasiirka Cadaaladu mar uu ka hadlaayey is bedelka uu sheegay inuu ku yimid nidaamkii cadaalada ee dalka ayaa yidhi “Horta ILLAAHAY oo qudha ayaa laga helaa cadaalad dhammaystiran, balse waxa dhab oo muuqata in is bedel wanaagsani ku yimid cadaaladii dalka, xukuumad ahaana waxaanu ku dadaalay in aanu cadaalad ku dadaala, cadaalada daradana meesha ka saarno, taasna waxa daliil u ah is bedelka ku yimid Maxkamaddaha, nidaamka Garsoorka iyo sida wanaagsan ee loo daryeelo Maxaabiista”.