Wasiirka Biyaha Oo Sheegay Inay Dhisayaan Shan Dhaam oo Dadka Ku Dhiirigalinaaya Inay Biyaha Roobka Qabsadaan

22
2210

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka biyaha Saleebaan Cali koore ayaa sheegay inay samaynayaan dhaamam biyaha roobka lagu qabanaayo oo casri ah kuwaas oo loogu talo galay in dadka lagu tuso inay qabsadaan biyaha roobka.

Saleebaan Cali Koore waxa uu shacabiga Somaliland gaar ahaan Hargeysa ugu baqay inay saamaystaan barkado dhulka hoostiisa ah oo ay biyo badan roobka kaga qabsan karaan, waxaanu xusay haday talaabadaas qaadaan inay dhimayaan biyo yaraanta caasimada ka jirta.

Wasiirka biyaha oo la hadlaayay HCTV waxa uu yidhi “Waxaad ogtahay in xili roobaadkii bilaabmay, Hargeysa biyaha habeen hore ka baxay ee mijiroolka ka qulqulayay ee meelaha aan ku haboonayn ku dhacaayay waxa ay dad badan oo biyaha aqoon u leh ay sheegeen inay laba sanadood Hargeysa ku filnaan lahaayeen, waxa layna farayaa in aynu qabsano biyaha qulqulaaya dhulka korkiisa, biyo yaraanta Hargeysa ka jirtaa may jirteen, dadka waxaan leeyahay guryaha waad dhistaan iyaga oo qaali ah,hoteelaad dhisataan, qorshaa ugu dara inaad barkada dhulka hoostiisa aad u samaysataan guryihiina iyo hudheeladiina si biyaha idiin dhaafaya aad u qabsataan, waxaanay sababaysaa in hudheelka ama gurigu sanadkii u baahdaan biyo aad u yar mooyaane.”

Wasiirka oo ka hadlaayay dhaamamka waxa uu yidhi”Xukuumad ahaan dhaamam tijaabo ah ayaanu ku talo galnay, oo aanu dadka ku tusayno in biyaha la qabsan karo oo saddex iyo shan iyo afarba ah oo aanu rabno inaanu gobal kasta ka dhisno xabad ay dadku daawadaan si dadka qudhoodu ay ugu dhiiradaan in ay biyaha qabtaan, haayado aanu ka wada shaqaynaynaana waa ay jiraan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here