Wasiirka Biyaha Oo Ku Dhawaaqay Inuu Fashilmay Mashruucii Xumbo-Weyne Ee Hargeysa

29
3615

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka biyaha Saleebaan Cali koore ayaa si rasmi ah u shaaciyay in mashruucii biyo balaadhinta ee Xunboweyne uu ku dhaw yahay in dawladu ay ku dhawaaqdo inuu fashilmay.

Waxa uu wasiir Saleebaan Koore sidan ka sheegay isaga oo ka hor hadlaayay gudida joogtada ah ee golaha guurtida ee Somaliland, waxaanu sheegay in si loo qariyo biyo la’aanta jirta in la abuuray khilaaf bulshada caasimadda lagu kala qaybinaayo.
Wasiir Saleebana Cali Koore ayaa isaga oo faah faafihinaaya dhibaatada biyo la’aanta ee Hargeysa waxa uu yidhi “Xukuumadan cusub ee Kulmiye ee aan ka midka ahay markay meeshii timi aqoon ahaan iyo markii aan waraystay dadkii aqoonta u lahaa biyaha, marka xadiga biyaha ee meesha laga filaayo iyo sida ay ugu duwan yihiin dhadhan ahaan kuwa Hargeysa iyo awooda ay u baahan yihiin in Hargeysa lagu keeno iyo xadiga biyaha intaas marka laysku daro aqoontii waxay ina faraysaa in biyo ku filan oo awoodaas la galiyo oo hantidaas la galiyaa aanay jirin. Xunbaweyne, dad badani ma jecla in kalmadaas la yidhaahdo laakiin waa inaan idhaahdaa sababta oo ah Jacaylna maaha Nacaybana maaha ee waa waxa runta ah ee yaala, waxa taas dheer in dadka bulshada ah ee wada degan la siyaasadeeyay, hadaan ciddii samaysay la iman mashruuc hor leh iyo aqoon iyo wax la taaban karo, wasaarad ahaan waxa nooga qorshaysan madaxweynaana aanu ugu gudbinay in sida ugu dhakhsaha badan loogu dhawaaqo in mashruucaasi aanu shaqayn karayn.”
Wasiirku waa uu sii watay hadalkiisa”Dad badan waxa loogu dhigaa in biyaha ciddi ay diidan tahay oo bulshada dhexdeeda ayaa war qalad ah laga bixiyay, laakiin markii aan dhagaystay aqoon yahanadii wasaarada biyaha ka tirsanaa iyo kuwii wakaalada biyaha ee Hargyesa ka tirsanaa, 13 ceel oo ka qodan 1km iyo 200 mt ay yihiin haddii la damco in 13 kaas ceel la isticmaalo awooda ay soo saarayaan waa laba ceel, waayo ceel kastaa ugu yaqaan waxa uu u baahan yahay 800mt inuu ceelka kale u jiro. Odhan maayo meesha biyo ma jiraan ee haddii ay jiraan waa in meesha iyo ceelasha meesha oo dhan dib looga fikiraa oo waa wax lacag iyo mashaariic danbe u baahan laakiin waxa hadda taagan maaha wax laysku halayn karo oo 40Km inta laga soo qaado oo 1Lt waxa uu ku imanayaa hal doolar iyo wax ka badan, waxa igu kalifaysa in aan hoos u sii galo sida loo siyaasadeeyay biyaha xunbo weyne oo ah si aanay aqoontu taageerayn, wax isku dheeli tiran hantida ku baxaysa iyo wax ka soo baxayaa maaha, dawlada,xukuumad iyo madaxweynaha cusubina warkaas waa uu hayaa.”
Waxa uu ku dhawaaqay wasiir Koore in aanay Hargeysi hadda biyo helayn”Haddaan wasiirkii wasaarada biyaha ahay waxaan idiin leeyahay biyo Hargeysa la keenaa ma jiraan in wadadii wax lagu saxi lahaa iyo wadadii dadku biyaha ku heli lahaayeen inaan u dhaqaaqno uun ee ma odhanaayo wax kastaa way dhamaanayaan Hargeysa 40% ayaa biyaha caba inta kale waxay ku xidhan yihiin biyaha booyadaha. ”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxaan leeyahay diyaar ayaanu u nahay inaanu qancino iyada oo xataa dad aqoonyahano ah oo aan wasaarada ka tirsanayan ay joogaan ama aqoonyahano madax banaan oo biyaha ah ay iyaga qudhoodu dadka wax u sheegaan diyaar ayaanu u nahay, waxaanu taas u yeelaynaa in bulshada si qaldan wax loogu sheegay sababta oo ah iyada oo aanay meesha biyaba jirin ayaa dadka lagu jaah wareeriyay ma wadadan ayuu ka baxayaa mise tan,dadka loo sheegi maayo in biyihii la soo saarayayba aanay jirin, qofku waxa uu luminayaa aragtidaas ah in la yidhaahdo horta biyo ma jiraan, dadabeedna waxa la odhanayaa mayee wadadaas cidbaa diidan tana cidbaa diidan dabadeedna khilaafkaas dadka dhexdiisa ah ayaa lagu qarinayaa wax alle iyo waxii runta ahaa.”
Wasiirka oo talaabada uu qaadayo ku dhawaaqayay waxa uu yidhi”Wadadii wax lagu sixi lahaa iyo wadadii dadku biyo ku heli lahaayeena inaanu u dhaqaaqno xageeda ee ma odhanaayo wax kasta waanu dhamaynaynaa, baahida biyahana shan sanadood ee xukuumada Kulmiye ah ayaa lagu soo koobayaa ma odhanaayo inta aan wasaarada joog ayaa la soo koobi karaana odhan maayo, laakiin waxa kaliyaata ee aan odhan karaa waxa weeye wadadii saxa ahayd sharciyan iyo sidii umadda loogu qaybin lahaa, wadadeedii ayaan bilaabayaa inta ay gaadhayso iyo inta ay soconayso Alle ayaa og.”
Mashruucan ayaa wuxuu bilaabmay xilligii siilaanyo waxaanay ceebtiisu dhabta u saarnaan doontaa Axmed-siilaanyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here