Wasiirka Beeraha Oo Sheegay Inuu Ayaxu Ka Awood Badiyay Dagaalkii Lagu Qaaday

0
574

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasaarada beeraha ayaa daboolka ka qaaday in uu ka awood badiyay Ayaxii ku habsaday xeeba Bada Cas,isla markaasna uu u gudbaayo dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Sida oo kale waxa ay wasaaradu shaacisay in daawooyinka khatarta ah ee lagu laayo Ayaxa in aan la isticmaalin, sababo la xidhiidha in deegaanadaas ay ku nool yihiin dad iyo duunyo badan, waxaanay wasaarada beerahu isugu yeedhay haayadaha FAO iyo DLCO mar labaad.

Waxa sidan lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada beeraha oo uu ku saxeexan yahay wasiirka beeraha Prof.Faarax Cilmi Geedoole, isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan“Wasaaradda  Beeraha  Somaliland  Waxay cadaynaysaa   iyadoo horena  dhowr jeer  digniino   u soo saartay  in ayaxii ku habsaday  xeebaha Badda Cas  ee Somaliland  oo haatan khatar ku hayo deegan-daaqsimeedka  gobalada  Selel,  Awdal,   Saaxil  iyo Sanaag.

Ayaxaasi oo haatan dam ka siiyey daaq badan,  gaar ahaan Banka Giriyaad,  Lughaya,  Cabdi-geedi,  Ceel-darad  iyo  Banka Goobaare, wuxuu ayaxaasi oo haatan korankor ahi u gudbayaa  dalalka Itoobiya iyo Djabuuti.

Waxa jirta in xiligan xoolo aad u fara badani ay ku sugan yihiin jiidahaasi   ayaxu ku habsaday  oo ay adagtahay  in la isticmaalo sunta kiimikada ah ee lagu buufiyo  ayaxa Sida “MALATHION”.

 Sidaasi darteed, wasaarada  beeruhu waxay ku talo bixinaysaa in aan lagu deg-degin   in loo isticmaalo sunta khatarta ku ah  xoolaha,  dadka  iyo deegankaba,  balse loo isticmaalo habka makaanikalka  ah.

Wasaaradu waxay  ka waddaa jiidahaasi  daawo aan xoolaha iyo dadka toona u lahayn dhibaato,    hasa yeeshee   ayaxa ayaa ka baaxad waynaaday arintaa.

Wasaaradu  waxay si deg-deg ah isugu  yeedhay  Hay’adaha Caalamiga ah ee ay khusayso  arinta ayaxa  sida  FOA  iyo  DLCO markii Labaad.”