Wasiirka Beeraha Oo Furay Shir Lagaga Arrinsanayo Sidii Loo Gaadhi Lahaa Isku Filnaansho Cuntada Ah

38
4105

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa furay shir ay aqoonyahanka takhasuska u leh Beeruhu kaga arinsanayaan sidii dalku u gaadhi lahaa isku filnaansho dhanka cuntada ah.

Shirkan oo socon doona muddo sadex cisho ah laguna qabtay xarunta Wasaaradda horumarinta Beeraha ayaa waxa ka soo qayb galay Aqoon yahan badan oo takhusus dheer u leh culuumta beeraha iyo daneeyayaal dhanka beeraha.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in dalku u baahan yahay sidii loo gaadhi lahaa isku filnaansho dhanka cuntada ah, taasina ay qayb weyn ka ahayd ololihii Xisbiga Kulmiye wajigiisa labaad ee xukunka ku galay tartanka, isaga oo tilmaamay inay ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee ay ku ololaynayeen wakhtigii doorashada.

Wasiirka horumarinta beeraha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Shirkan waxa aynu isugu nimid waa mid lagaga tashanayo sidii dalku cunto ku filan u soo saaran  lahaa ee aynu u soo saari lahayn, waxaananu iskugu kiin yeedhnay inaad maskaxdiina tuushisaan oo ka wasaarad ahaan anaga oo waafajinayna Qorshaha horumarinta Somaliland (Somaliland National Plan) iyo Barnaamijka Xisbiga Kulmiye ee ololaha aanu ku galnay oo qodobka wax soo saarka beeruhu ugu muhiimsanaa aad soo saartaan natiijo sidii wax soo saar loo samayn lahaa ku qotonta”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Cilmi Aadan oo khudbad ka jeediyey madasha shirka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay inaynu wax qabsano oo wax soo saar lala yimaado.

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Anagu idiinmaanu yeedhin anaga oo isticmaalayna magac hay’adeed ee waxaanu idiinku yeedhnay bal inaynu isla eegno sidaynu wax u qabsan karno maadaama oo xukuumaddu cusub tahay miisaaniyadiina gacanta lagu hayo, Xaaladaha aduunka ka dhacaya waad ka war haysaan oo waa muhiim in cuntadeena aynu soo saarano, mar aanu barigii Kaluumaysiga aanu joognay dalka Ilaa Saylac maraynay Hilib xoolaad uunbaa lanagu casuumay iyada oo reeraha qaar baddu la jaar tahay, mar aanu tagnay Harada Victoria ee dalka Uganda waxaanu aragnay waxyaabaha ugu waaweyn ee ay dhoofiyaan inay kow ka yahay Kaluunku, markaa waxaan rabaa inaan idin xusuusiyo inta ay dawladdu cusub tahay aynu u gudbino wixii talo ah hadhaw markay raagto way adkaataa in wax la iska maqlaaye”.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah Aqoonyahanka reer Somaliland oo isna madasha ka hadlay waxa uu tilmaamay muhiimada uu wax soo saarku leeyahay, waxaanu yidhi “Shan wasaaradood oo wax soo saarka inoo qaabilsan oo la isku daro waxa ka miisaaniyad badan wasaaradda Madaxtooyada, markaa halkaasi ayaad ka garan kartaa sida aynu u qorshaynay inaynu wax soo saar la nimaadno, waxyaabaha ay ahayd inaan loo baahnayn waxa ka mid ahaa 70 Wasiir oo kharash iyo miisaaniyad leh, Shaqaale intuu wasaaradda yimaado xaadiriska saxeexa dabeeto iska noqda, gawaadhida qaaliga ah ee la wato oo barigii hore dadku gawaadhi jaban ayey iibsan jireene imika gawaadhi qaali ah uunbaa la kaxaysanayaa”.

Eng. Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Dadkiinan meesha fadhiyaa wada masuuliyiin ayaad tihiin inaad aakhiradiina u tudhaan oo dalka u shaqaysaan ayaa loo baahan yahay, ALLE na hawshan ha idinku asturo”.

Xildhibaan Cabqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada kana mid ah Beeralayda reer Somaliland oo madasha shirka ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Sanadkii 2000 markii aan wasaaradda Beeraha Agaasimaha guud ka ahaa ayaanu kulankan oo kale qabanay dhawr buug ayaa ka soo baxay, mushkiladaha jirana waxa ka mid ah sharcigii beeraha oo aan dhamaystirnayn, waxaanad arkaysaa suntii beeraha lagu buufinayey iyo raashinkii oo isku meel lagu iibinayo, qabyo badan ayaa wali dawladnimadeena ku jirta inaynu wax soo saar la nimaadno ayaa muhiim ah”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Beeralay badan ayaa cabata oo tidhaahda waxaanu soo saarno lama iibsado, iskaashatooyinka ayaan ku idhi bal ha la helo hal iskaashato oo hoteelada waaweyn ee dalka intay heshiis la gasho maalin kasta waxa ay u baahan yihiin soo saarta oo qorshaysa waa la waayey, waxaana loo baahan yahay inaynu isla rog rogno waxay tahay mushkilada weyn ee ina hortaala”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here