Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Saddexda Xisbi Oo Geeska Afrika Wax Ka Weydiiyey Arrimaha Doorashada Iyo Ammaanka

25
2752

Hargeysa (Geeska)- Xukuumadda Somaliland iyo Saddexda Xisbi Qaran, ayaa ka hadlay Ololihii Xisbiyada ee la shalay dhammaday iyo  Doorashada Madaxtooyada ee haddii ALLE idmo Isniinta dhici doonta, waxayna ku taliyeen in nabada la ilaaliyo, isla markaana ay filayaan inay dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ahi.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Ololaha Xisbiga UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay, ayaa ugu horeyn  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo aanu wax ka weydiinay qaabka uu ku dhammaaday ololaha Xisbiyadu, xaalada nabadgalyo ee dalka, hanjabaada Puntland iyo wuxuu ka filayo Doorashada Madaxtooyada ee Somaliland ayaa yidhi “Ololihii Axsaabtu si fiican oo nabadgalyo ku jirto ayuu inoogu dhammaaday, ololihii waa uu soo dhammaaday, Doorashadii ayaa la galayaa, ee Doorashada waxaan leeyahay si wanaagsan oo nabadgalyo ku jirto ha loo galo”.

Wasiirka mar aanu wax ka weydiinay hanjabada Puntland ayaa yidhi “Hanjabada Puntland, waanu maqlaynay, wax badan ka soo qaadi mayno, colaad iyo wax aan loo baahnayn bay ku dhawaaqeen, balse waanu uga digaynaa inay faraha la soo galaan arimaheenna, kumana xad gudbayno, balse haddii ay inagu soo xad gudbaan, talaabada ugu haboon ayaanu ka qaadi doonaa, marnabana raali kama nihin cid xadkeena iyo xuduudkeena ku soo xad gudubta”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, oo isna aanu wax ka weydiinay ololaha Doorashada ee dhammaaday iyo  rajadda Xisbigiisa ayaa yidhi “Marka hore hambalyo aad iyo aad u fara badan iyo mahadnaq aan la soo koobi karin ayaan guud ahaan u dirayaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaana si gaar ah ugu hambalyeynayaa uguna mahadnaqayaa Taageerayaasha kala duwan ee Xisbiga Kulmiye, ee kala jooga Gobolada Sool, Sanaag, Awdal, Togdheer, Saaxil, Maroodijeex iyo sidoo kale Taageerayaasha kala jooga Degmooyinka, Tuulooyinka iyo Magaalooyinka kala duwan ee dalka, kuwaas oo runtii taageero iyo wacdaro balaadhan muujiyey muddadii todobada cisho ee aanu ololaha u lahayn, waxayna si gobonimo, milgo iyo maamus leh ugu soo baxeen Xisbigooda Kulmiye, waxaana leeyahay guushii wax yar baa inooga hadhay, waxaana ku rajo weynahay Doorashada shan cisho kadib si wanaagsan oo aad u balaadhan baynu u dabaal-degi doonaa,”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlaayey nabadgalyada ayaa yidhi “Haddii aynu nahay Somaliland, waxaynu tusaale u nahay Caalamka, marka loo eego dhinaca Nabadgalyada, 21 cisho ee ololuhu socday, wax dhib ahi kamuu dhalan, marka laga reebo inan gaadhi ka dhacay, oo ku geeriyooday Hargeysa, waana qadar iyo qoraal ALLE, waxaana inankaas ALLE uga baryayaa inuu janadii fardawsa ka waraabiyo, una naxariisto, wuxuu ka mid ahaa taageerayaashii Xisbiga Kulmiye, markaas waa inaynu isku duubni ku galnaa Doorashada, oo ilaashana nabadeena, aadna uga taxadirnaa wax kasta oo nabadeena wax yeelo ku ah, waana inaynu Ciidankeena mar kasta heegaanka u ah ilaalinta nabadgalyadeena xaq-dhawrna”.

Guddoomiyaha Ololaha Xisbiga UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale oo isna ka hadlay ololaha, nabadgalyada iyo Doorashada ayaa yidhi “Annagu Ololaha waxaanu ku bilawnay anshax, edaab iyo akhlaqiyaad fiican, waxaanu ku bilawnay qabyaalad la’aan, oo qaranimo ayaanu ka bilawnay, waxaanu ololahaygii ku bilaawnay midnimada Somaliland, waxaanu Bulshada ololaha ugu soo bandhigay horumarka aanu doonayno in aanu dalka ku hogaamino, oo qorshahayga siyaasadeed ayaanu xabad-xabad ugu sheegnay, labada Xisbi ee kale, ololahoodu wuxuu u badnaa in midba midka kale wax ka sheego, oo wax umadda Somaliland la taabsiin karo may taabsiinin, waxaana dhab ah in ololahaygii uu ahaa ololihii ugu wanaagsanaa, uguna khayrka badnaa, oo waxyaabo aan hore looga baran ololaha ayaanu ku kacnay, sida in aanu sadaqad bixinay, in aanu xoolo nool bixinay, iyo raashin dadka masaakiinta ah siinay, in aanu biyaha u qaybinay masaajidada, ta kale Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ah Musharaxa Xisbiga UCID, siyaasadiisa ayaa ah inuu dalka ku hogaamiyo Kitaabka Quraanka, waxaana dhab ah inuu yahay siyaasi ka khibrad badan labad musharax ee kala, oo waxa caddayn inoogu filan doodihii ay wada galaan, halka Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbigaygu uu isna yahay nin dhalinyaro ah oo aqoon yahan ah, oo isna doodii meel iska mariyey, labadii Musharax ku xigeen ee la doodaayey, markaas maanta waa in Xisbiga UCID la doortaa”.

Guddoomiyaha Ololaha Xisbiga UCID oo ka hadlaaya Doorashada iyo Nabadgalyada ayaa yidhi “Nabaddu waa qaali, Nabadda haddii aan la adkayn, oo aan dhidibada loo aasin waxba inooma hagaagayaan, ee qof walba dhankiisa nabada ha ka ilaaliyo, oo ha lagu dadaalo inay inoo dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ahi”

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo isna ka hadlaya Ololaha dhammaaday ayaa yidhi “Shacabku meel kasta oo ay joogeen, waxay muujiyeen 21 cisho ee ololuhu socday, in Xisbiga Waddani yahay, Xisbiga ugu shacbiyada iyo taageerada badan dalka, Shacabku waxay muujiyeen inay u baahan yihiin is bedel, waxaana uga mahadnaqayaa Taageerayaasha Xisbiga Waddani, iyo Shacabka reer Somaliland siday ololaha ugu soo baxeen iyo siday waliba Xisbiga Waddani, u taageereen, waxaana leeyahay Shacabka 13 bishan oo ah maalinta Isniinta, sida aad Xisbiga Waddani ugu soo baxdeen Ololihii una muujiseen sida aad u taageersan tihiin, maalintaasna codkiina ugu taageera, oo iska dulqaada sicir bararka iyo qabyaalada, oo is bedelku waa Waddani ee Waddani taageera”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Doorashada iyo nabadgalyada ayaa yidhi “Inay Doorashada Madaxtooyadu inoogu dhacdo si nabadgalyo ku jirto, waa lagama maarmaan, ALLENA waxayna ka baryeynaa inuu wax walba wanaag inoogu dhammeeyo, ee nabad aynu ku wada coddeyno, oo aynu Waddani nabad ku doorano, oo Xasiloonida iyo Amaanka aynu wada ilaashano, Komishankuna cadaalada ha ilaaliyo, oo mar walba dhex ha u ahaado Xisbiyada”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here