Wasiirka Arr. Dibadda Somaliland Oo Geeska Afrika Uga Warramay Kulankii Ay Yeesheen Waftiga Itoobiya

0
483

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay wefti ka kooban Sagaal Xubnood oo dalka yimid oo uu hogaaminayo Wasiirul Dawlaha Wasaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka itoobiya, waxaanu Wasiirku sheegay in ujeedada Safarkoodu uu iskaashiga labada dal iyo walba dhibkii ka dhacday deegaanka Gaashamo ee dadka maatida ah lagu laayey.

sadcad

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan "Wefti ka kooban Sagaal xubnood oo uu hogaaminayo Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibadda ee Dawladda Fadaralka Itoobiya ayaa dalka safar ku yimid, ujeedada safarkooduna waxa uu ahaa sidii loo soo amba qaadi lahaa ama kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal ka dhexeeya, sida Ganacsiga, Kabayaasha, Waxbarashada, Caafimaadka, Arinta Waddooyinka iyo sidoo kale isticmaalka Dekadda Berbera, aad iyo aadna waxay u soo dhaweeyeen heshiiska Dekadda Berbera, ee aynu la soo galnay Dubia, waxayna sidoo kale la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxayna sheegeen inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin inay dalka yimadaan".

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa mar uu ka hadlaayey dhibkii ka dhacay Gaashamo iyo qaabkii ay uga wada hadleen Weftigan Itoobiya ayaa yidhi "Dhibkaas ka dhacay Deegaanka Gaashamo ee dadka lagu laayey waanu ka wada hadlanay, waxayna noo sheegeen inay baadhitaan xeel dheer oo ku saabsan sababta keentay inay dhibkani dhaco ay sameeynayaan, cidii khaladka yeelatana ay sharciga hore keeni doonaan, talaabana ka qaadi doonaan".