Wasiirada Maantu Waa Jiirkii Doonida Daloolinayey “Warbaahintu, radio Hargeysa iyo TV yadu ha saaraan heestii loo qaaday nimankii kastamada ka shaqayn jirey ee musmaasuqa ku kacay ee lahayd: “Nin agoon ku xaday qalin qaaxo kama fogaato” Xildhibaan Cartan

0
670

Jiirku wa kan xayawaanka yar ah. Markuu doonida galo xaggaa hoose iyo khanka doonida ayuu ku nool yahay, kolkaas cuntada sagaxadda doonida ku daadta ayuu cunaa oo ku nool yahay, siduu wixii daatay u sii leef leefayo ayuu qorigii hoose ee doonidu ka samaysnaydna ku daraa, siduu u wado ayay sagxaddii doonidu dalooshantaa, kolkaas illey sagaxdii buu joogay markay biyihii badduu doonidu soo galaan wax carara isaga ayaa ugu horreeya, halkaas ayay ka timi maahmaahda ah Jiirku isagaa doonida dalooliya, markay biyuhu soo galaana isaga ugu hor booda. Xagguuse u booday? Badweyn buu u booday. Qaraqanye ogow.

Waxa taas ka dhigan wasiirada xukuumadda oo dawladnimadii iyo waajibaadkii qaranku ka filayey ku noqday jiirkaas doonidii uu saarnaa daloolinaya. Waa hubaal inay wasiiradu sida jiirkaas debedda uga soo boodayaan. Xaggayse u boodi doonaan illeyn berrigii dad dhibaataysan oo abaaraysan baa joogee?

Hayaay, qaar baa baasabooro shisheeye sita. Kuwaas waxan leenahay, waar doonidii bay naga dalooliyeen noo qabqabta, Europe iyo Maraykanaw, nimankaa baasabooradiina sitaa way na soo dhaceen oo doonidii aannu dirqiga ku yabyabnay sidii Ilaahay ogaa aannu badweynta ku gelinay bay naga dalooliyeen nimankaas noo qabta. Dee kolleyba tallaabo ayaa laga qaadi kuwooda halista ah!
Kuwii aan baasabooro sidan ee ka qayb-qaatay daloolinta doonida ama ishayda ama ushayada ayaa wax ka qaban oo micnaheedu yahay ama waa lala xisaabtami oo waxa la odhan, “waar waxan oo hanti ahi xaggeey bay kaa soo galeen, illeyn waa adigii shalay qaawnaaye?” ama waanu cawriyi doonaa. Tan danbe ayaana halis ah. Ummad sabool ah oo waxeedii yaraa si doqoniimo ah looga cunay oo lagu faanayo, oo lagu xaragoonayo, wallaahi inaan wax ka cawri kululi jirin. 
Ilaahaw aanay cawridaas nala helin, illeyn aniguba xil baan hayaayoo kama dhaaran karo xaaraane. 

Wasiirada aan ka hadlayo oo ah kuwa ugu qoorta weyni, xilligan abaaraha ah ee dad iyo duunyo da’-fureen, (awrku xaggee hasha eegeyn oo hamadi u qabanayn), ayay qoorweyntaasi wada qooqeen, subxaan, wada min-yaraysteen, subxaan. Markaas baynnu leenahay aynnu roob-doon akhrino. Eebbe haddii aadan arkayn isaga ayaa ku arkaaya. Subxaan. Ma maalin la qooqaa? Maa maalin la minyaraystaa? Ma maalin la qayilaa? Waa maalin masuul kastaa uu wax kasta oo kale dhulka dhigo, lala murgoodo ehelkeena abaaraha iyo xanuunadu shuf ka yeeleen.
Warbaahintu, radio Hargeysa iyo TV yadu ha saaraan heestii bilowgii 1960naadkii loo qaaday nimankii kastamada ka shaqayn jirey ee musmaasuqa ku kacay ee lahayd:
Nin agoon ku xaday qalin qaaxo kama fogaato

Waxay ahayd in masuul kastaa la harrado la gaajoodo, boqolaalka kun ee tabaalaysan, ka waantoobo inuu dhergo, isku dayo inuu dareemo xanuunka iyo gunimada ay leedahay gaajado iyo baryadu. Dhaqasho iyo mar bay kaa yihiin Dherego Xaaraane 

-la soco qaybaha danbe