Wasiirada Kenya Oo Ka Baaqday Inay Ka Qayb Galaan Shirka Maalgashiga Somaliland Oo Shalay Nayrobi Lagu Qabtay

0
9132

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa jimcihii shalay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ku qabatay shirka maalgashiga Somaliland, waxaana ka qayb galay afar wasiir oo ka tagay magaalada Hargeysa. Shirkan waxa soo qaban qaabiyay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya.

Shirkan ayaa waxa ka baaqday xubno ka tirsan dawladda Kenya oo hore loo baahiyay inay ka qayb geli doonaan. Wasiirka ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa hore loo sheegay inuu ka qayb galayo furitaanka shirkan. Laakiin Wasiir Munya iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Kenya oo la filayay inay shirka ka qayb galayaan ayaa ka baaqday shirkaas maalgashiga Somaliland. Si rasmi ah looma sheegin sababta keentay inay Wasiirka Kenya iyo masuuliyiinta kale ka baaqdaan shirkan.  Waxase shirka ka hadlay guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Kenya James Meru.

Wasiirada ka socday dawladda Somaliland oo kala ahaa Wasiirada arrimaha dibadda Yasiin Faratoon, ganacsiga Maxamed Xasan Sacad, Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac iyo macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa shirkaas ka jeediyay  khudbado kala duwan oo ay ganacstada Kenya ugu baaqayeen inay maalgashadaan Somaliland.

Guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isna shirka ka qayb galay isagoo ka hadlay doorka ganacsgada Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here