Wasiir Xaabsade Oo Basaborka Somaliland Dartii Uga Hadhay Weftigii Turkiga

0
1120

xaabsade4_sHargeysa(Geeska)-Dawladda Turkiga ayaa diiday inay weftigii Somaliland ka socday ee wasiirada ah kana qayb geli doona shirka magaalada Istanbul loogu qabanayo Somalida, dalkeeda ku galaan baasaaboorka Somaliland, waxaana sidaas ku baaqday wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo ah masuulka keliya ee weftigaas ka tirsanaa ee aan sidan basabor ajaanib ah.

Waxa shalay madaarka Berbera ka dhoofay wasiirada arrimaha dibadda iyo qorshaynta Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Sacad Cali Shire iyadoo wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale uu isna ka tagi doono dalka Maraykanka, waxase weftiga si lama filaan ah uga hadhay Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade, waxaana la sheegay in baaqashadiisu la xidhiidho ka dib markii ay dawladda Turkigu diiday inay fiisayso Basaborka Somaliland. Wasiirada kale ee saddexda ah ayaa dhammaantood sita Basaborada dalalka Holland, Ingiriiska iyo Maraykan. Masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino sababta rasmiga ah ee uu wasiir Xaabsade uga hadhay weftiga ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan, waxase ay ku tilmaameen arrimo la xidhiidho dhinaca socdaalka.

Xukuumadda Somaliland ayaa khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu Wasiir Xaabsade ka mid yahay weftiga ka qayb geli doona qaybaha horumarka iyo dhaqaalaha ee shirka Turkiga, waxase dad badan  yaab ku noqotay sababta uu haddana wasiir Xaabsade saddex maalmood ka dib uga hadhay weftiga, waxase ay arrimahani muujinayaan qaban qaabo la’aan dhinaca xukuumadda ah.