Wasiir Warancade Oo Ka Hadlay Wefti Shalay Djibouti U Safray

0
866

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo ay waheliyaan taliyayaasha booliska Cabdilaahi Fadal iimaan iyo sirdoonka Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa arimo la xidhiidha amaanka ugu kicitamay dalka Jabuuti.

Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo warbaahinta la hadlaayay intaanay ka duulin madaarka Hargeysa, ayaa socdaalkiisa ku sharaxay mid ay amaanka la xidhiidha isaga oo soo hadal qaaday xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti sidii amaankeeda loo wada xoojin lahaa.

Wasiir warancade oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi“Runtii sidaad la socotaan dalkan Jabuuti waa dal aynu Saaxiib nahay, aad iyo aadna aynu iskugu dheernahay, markaa waa lagama maarmaan marwalba in laga wada hadlo sidii la isku kaashan lahaa iyo sidii la iskaga war hayn lahaa iyo in Talooyinka la iswaydaarsado.”

Wasiirka Arimaha Guduhu oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Markaa Runtii arimo badan oo ay ka mid tahay dhinaca Nabad galyada, dhinaca iskaashiga Xuduudaha, dhinaca wada shaqaynta iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada shaqaynta ayaanu u tagaynaa, waana dal aynaan kala maarmi Karin, haddii ay tahay dhinaca labada shacab iyo labada dawladoodba.markaa aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay inaanu dawladda jabuuti shirarkaasi la galo”.

Wasiirka oo wax laga waydiiyey muhiimada keentay in madaxda dhinaca amaanka u qaabilsan Somaliland ay xiligan tagaan jabuuti waxa uu uyidhi“ Waa ahmiyadda Balaadhan ee annaga iyo jabuuti naga dhexaysa awgeed, markaa sidaas ayaanu weftigaasi ugu tagaynaa wixii nabad galyada khuseeyana waanu ka wada hadleen