Wasiir Shukri Xariir Oo Hambalyo U Dirtay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Golaha Sheffield

0
540

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiir xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay golaha deegaanka magaalada Sheffield ee aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wasiir Shukri, oo xalay u warantay Wargeyska Geeska Afrika, waxa ay tidhi, “Waxaan hambalyo u dirayaa golaha Sheffield ee aqoonsaday qaddiyadda xaqa ah ee Somaliland. Waxaan sidoo kale hambalyo u dirayaa madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay siyaasadiisii arrimaha dibaddu guulaysatay. Waa taas la arkay  ee ay cadaatay in siyaasadii Madaxweyne Siilaanyo ay guul soo hoysay, waxaanan leeyahay madaxweyne hambalyo.”

Marwo Shukri Xariir, waxa ay sidoo kale hambalyo u dirtay shacabka reer Somaliland guud ahaantood, gaar ahaan shacabka magaalada Sheffield ee dedaalka muujiyay islamarkaana ka midho dhaliyay in golaha Sheffield aqoonsado Somaliland. “Waxaan shacabka reer Somaliland dhammaantood u dirayaa hambalyo, waxaanan si gaar ah u bogaadinayaa shacabka dalka Ingiriiska, gaar ahaan reer Sheffiled oo muujiyay dedaal iyo wadaniyad.” Ayay tidhi Shukri.