Wasiir Shirkadda Samsung Ugu Hanjabay In Uu Iska Beddeli Doono Talefankeeda Gacanta Ee Uu Isticmaalo

49
4011

Tehran (Geeska)- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Maxamed Jawaad Dariif ayaa shirkadda Kuuriya laga leeyahay ee Samsung ugu hanjabay in uu joojin dooni isticmaalka taleefanka gacanta ee ay samayso, haddii aanay raalligelin ka bixin fal ay Iiraan quudhsi u aragtay oo ay shirkaddu kula kacday ciyaartoyga dalka Iiraan uga qaybgaya ciyaaraha Olambikada ee jiilaalkii.

Shirkadda caanka ah ee Samsung ayaa dhowaan ciyaartoygii ka qaybgalay galay ciyaarihii jiilaalka ee Kuuriyada Koonfureed martigelisay, hadyad ahaan ugu qaybisay talefannada gacanta ee Note-8, laakiin shirkaddu waxa ay hadyadahan ka reebtay ciyaartoygii dalka Iiraan ee ciyaarahaas ka qaybgalayey. Dawladda iyo dadka reer Iiraan ayaa aad uga xumaaday tallaabada ay shirkaddu xulka Qarankooda ka reebtay hadyadda.

Shirkadda Samsung ayaa mar dambe ku dhawaaqday in aanay hadyadahan Note-8 ka ah siin doonin ciyaartoyga ka socda dalka Iiraan iyo Kuuriyada woqooyi, laakiin dhammaan dalalka kale ay siin doonto, sababtuna ay la xidhiidho cunaqabataynta caalamiga ah ee labada dal saaran.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa lagu sheegay in shirkadda Samsung ay martigelinaysay ciyaaraha Olambikada xilliga jiilaalka ee sannadkan 2018 ka lagu qabtay dalka Kuuriyada Koonfureed, wasiirka Iiraan oo tallaabadaa ay qaadday si aad ah u dhaliilyna waxa uu sheegay in haddii aanay shirkaddu raalligelin bixin uu hadda kaddib iibsan doono taleefanka gacanta ee shirkadaha aan Samsung ahayn soo saaraan. Dhinaca kalana wasiirku waxa uu u yeedhay safiirka dalka Kuuriyada Koonfureed u fadhiya Iiraan, si uu u gaadhsiiyo cabashada dalkiisu uu ka muujinayo tallaabadan quudhsiga ah. dhinaca kalana afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa sheegay in tallaabada ciyaartoyga iiraan lagula kacay ay raad weyn ku yeelan doonto isticmaalka iyo adeegsiga taleefanka Samsung ee dalka Iiraan gudihiisa.

Dhinaca kalana wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin uu arrintan ka qoray ku sheegay in taleefanka gacanta ee Samsung lagu soo dejisan karo barnaamijyo hawlaha milateriga looga faa’iidaysan karo, taasina ay tahay sababta runta ah  ee ay shirkadda Samsung ay taleefannadeeda ugu diiday ciyaaryahannada dalalka Iiraan iyo Kuuriyada Woqooyi, iyada oo ka cabsi qabta in lagu tuhumo in ay jebinayso go’aan xayiraadda ee Qaramada Miiboy ku soo rogtay.

Ciyaaraha Olambikada ee xilliga jiilaalka la qabto waxaa sannadkan dalka Iiraan uga qaybgalay 4 ciyaaryahan oo ciyaaraha kala duwan ka qaybqaadanaya, halka dalka Kuuriyada woqooyi ay uga qaybgaleen 22 ciyaartooy.

Ciyaaraha olambikada jiilaalka ayaa bilowday 9kii bishan aynu ku jirno ee labaad, waxa aanu qorshuhu yihiin in ay soo gabagaboodaan 25ka isla bishan.

Tan iyo sannadkii 1997 kii shirkadda Samsung waxaa caado u ahayd in ay sannad kasta ciyaartoyga ka qaybgala ciyaaraha Olambikada jiilaalkii u qaybiso hadyado ah taleefannada gacanta ee ay soo saarto. Waxa aanay hore uga cabatay in hadyado ay qaabkan u siisay ciyaartooyka dalka Kuuriyada woqooyi in ay dawladda dalkaasi taleefannadii kala wareegtay kaddibna taleefannada ka tirtirtay barnaamijka GPS ka ku shaqeya  oo uu ku jiro adeeg fududaynaya in internet ka lagu isticmaao taleefanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here