Wasiir Samaale oo sheegay inuu yahay murashax madaxweyne, maalinta Siilaanyo ka tanaasulo

0
533

samaale 222Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo saaka shirjaraa'id ku qabtay wasaaradiisa, ayaa sheegay inuu Muuse Biixi uga tanaasulay oo keliya gudomiyenimada xisbiga KULMIYE, balse haddii uu Madaxweyne Siilaanyo cadeeyo inaanu murashax ahayn, uu ka mid noqon doono murashixiinta madaxweynaha.

Samaale, oo la su'aalay hankiisii murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE halka uu ku dambeeyay, wuxuu yidhi, “Nidaamkaas asxaabta ee qarankeena ka jiraa waa nidaamka aynu jeclanahay in aqoon yahanku uu ku soo baxo oo qabyaalada lagu yareeyo, waa nidaamka aynu jecelnahay inay ku soo baxaan dadka wanaagsan ee umadda wax u qaban karaa, waxaynu jecelnahay in nidaamka ah in qofku reer habel ayaan ahay  wax ku doono in laga baxo oo qofku aniga wax ah ku doono, inuu wax ku dooni karo waxan ayaan umadda u qabanayaa  dabaeedna ay umaddu codka siiso oo uu sidaas ku soo baxo.”

Sida uu ku waramayo weriyaha Geeska Afrika Maxamed Taajir oo shirka jaraa'id goob joog ka ahaa, wuxuu wasiir Samaale, Isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi,  “Anigu markii hore waxaan ahaa aas aasayaashii Kulmiye,waxan ahaa dadkii ugu horeeyay ee xisbiga uga soo baxay golahii gakiilada ee ugu horeeyay ee la soo doortay, guddomiye ku xigeenkii golaha wakiilada ayaan ahaa, maantana wasaarada maaliyada ayaan xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye u joogaa, mar walba anigoo Kulmiye ah.”

Wuxuu yidhi Wasiir Samaale, “Maanta qaranku madaxweyne ayuu leeyahay waana Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, madaxweynaha dastuurku waxa uu siinayaa inuu laba xili tartami karo, miyuu dhammaaday xiligiisii koowaad? waa maya oo madaxweynaha sanadkii afraad ayaa hadda u socda, xaq waxa uu u leeyahay in madaxweynuhu uu mar labaad soo istaago, isaga ayay ku xidhantahay in uu mar labaad istaago iyo in kale  oo taas anigu ka hadli maayo, waana arin madaxweynaha u taala.anigu damacaygaas hore waan u sheegay maantana waan ku celinayaa  dalka waxaan rabaa inaan madaxweyne ka noqdo maalinta Axmed Maxamed Siilanayo uu xiligaaisa labaad dhamaado ama isagu haakah yidhaahdo, waxayse taasi ku xidhantahay tartan asxaabeed, oo xisbi UCID ah iyo Mid Waddani iyo Kulmiye ayaa jira, aniguna Kulmiye maanta musharax uma’ihi laakiin maalinta musharaxa Kulmiye la gaadho Alle hayna gaadhsiiyo, maanta waxaan ku taageersanahay walaalkay muuse biixi oo guddoomiyaha xisbiga aanu ku tartamaynay waan uga hadhay guddoomiye nimadii, hadda tartankaas socda ee shirweynaha ee guddoomiyaha xisbiga lagu dooranayo waxaan ku taageerayaa inuu Muuse guddoomiyaha xisbiga noqdo, laakiin waxii kale wakhtigiisii imika lama gaadhin.”

Wargeyska Geeska Afrika