Wasiir Sacad Oo Wakiilada Horkeenay Miisaaniyadda Qaranka Iyo Qodobada Ka Dhex Muuqda

0
1367

Hargeysa(Geeska)- Wasiirka Maaliyada ee Somaliland Dr.Sacad Cali Shire ayaa golaha wakiilada horgeeyay odoraska miisaaniyada 2019-ka, miisaaniyadan ayaa ay ka muuqdaan xabsiyo badan oo gobalada dalka laga dhisaayo, gunooyin loo kordhiyay garsoorka dalka, xaqal ciidka ciidamada iyo shaqaalaha,mushahar kordhinta wasiirada iyo agaasimayaasha, mishiinada lagu eego tayada cuntada iyo dawooyinka, mishiinka isku xidhaaya khadka tilifoonada shirkadaha dalka, cisbitaalo iyo arimaha biyaha biyaha.

Wasiir Sacad oo ka hadlaya miisaniyadan wuxuu yidhi Maamulka dawlada  oo farabadan runtii wasaarado badan ayaa halkan isugu imanaaya oo ay ka mid tahay wasaarada maaliyada, madaxtooyada, arimaha dibada, golayaasha garsoorka waxaas oo dhami runtii halkaas ayay ku jiraan waana 35%, amniga waa 36%, caafimaadka 5%, waxbarashada 9%, tamarta waxa loogu talo galay 0.6%, dhaqaalaha iyo wax soo saarka 3%, kaabayaasha dhaqaalaha 4.6%, deegaanka 1.2%, biyaha iyo nadaafada 1% inta kale oo laysu geeyay waa boqolkiiba 4.6% inkasta oo aad moodo in xaga boqolaalnimada ay qaybaha qaar hoos u dhaceen hadana mid wax laga gooyay ma jirto mid wax loogu daray mooyaane.

Waxa dabagal iyo qiimayn balaadhan laga samayn doonaa dhamaan mashaariicda laga fulinaayoo miisaaniyada dawlada, mashaariicda ku jira 2019-ka oo ah miisaaniyad ka turjumaysa himilada waxqabadka qarankeena waxa ka mid ah mashaariicda waaweyn ee muhiimka ah ee culaska la saari doono

Amniga iyo xoojinta ciidamada

Tayaynta ciidamada kala duwan ee dalka, dhismayaasha jeelasha magaalooyinka Oodweyne,Mijacaseeye, Mandheera, Boorama iyo Gabiilay, qalabaynta jeelka Burco iyo dhismaha qaybta booliska ee magaalada Badhan.

Xoojinta Maamulka 

Waxa ku jira dhismayaasha xafiisyada wasaarada maaliyadu ay doonayso inay ka dhisto Laasacaanood,Saylac,guriga martida ee Ceerigaabo,guriga martida ee gobalka Xaysimo, xarunta dab damiska ee Laasacaanood,xarunta gobalka Badhan, dhismaha maxkamada Oodweyne, xarunta dabadamiska ee Bebera, xarunta dab Damiska ee Boorama.

Kordhinta gunooyinka hawlwadeenada garsoorka oo aanu aad iyo aad sanadkan culayska u saarnay oo waxaad runtii odhan kartaa miisaaniyadani waa tii garsoorka,xaqal ciidka ciidamada iyo shaqaalaha oo markii ugu horaysay lagu soo daray miisaaniyada, kordhinta mushaharka wasiirada iyo agaasimayaasha, kordinta miisaaniyada safaaradaheena dibada oo runtii aan badinay,kutalagalka kharashka doorashooyinka.

Dhanka caafimaadka

Mashaariicda caafimaadka ee ku jira ee muhiimka inoo ah waxa ka mid ah iibsiga mishiinka kalyaha, shaybaadhka tayada dawada iyo cunada, mudanayaal sida aad la socotaan waxa aan quudano iyo waxaan isku dawayno intabada waxa laga keenaa dibada laakiin tayadooda war uma hayno waxa faaido ku jirto iyo wax dhib ku jirto midna ma garanayno, waxaynu baahanahay mishiinadii waxaas lagu baadhi lahaa sanadkana miisaaniyada waan ku darnay lacagtiisuna hal milyan ayay noqonaysaa.

Waxa kale oo ku jira dhismaha cisbitaalka Burco, dhismaha cisbitaalka Ciidamada qaranka, dhismaha qaybta umulisada ee cisbitaalka Hargeysa, dhismaha qaybaha cisbitaalada loo yaqaano MCH-yada oo dalka oo dhan ah, iibsiga qalabka cisbitaalka Burco, iibsiga qalabka mishiinada kalyaha sifeeya iyo dawada ee cisbitaalada Hargeysa iyo Burco.

Xaga Waxbarashada

Waxa miisaaniyada ku jira in layska xilsaaro dhismaha jaamacada Sanaag,dhismaha jaamacada magaalada Sheekh, qalabaynta dugsiga tababarka macalimiinta,qaybinta buugta dugsiyada ee bilaa lacagta ah,iibsiga qalabka waxbarashada, kordhinta kabka jaamacada bada ee Berbera iyo jaamacada Sanaag iyo kaabista dayrka jaamacada Camuud ee Boorama.

Qaybta tamarta

Waxa ku jira miisaaniyada oo loo qoondeeyay kharashka daraasada tamarta

Dhaqaalaha iyo wax soo saarka

Waxa miisaaniyada ku jira mashruuca wax soo saarka beeraha iyo dalaga ee dalka, mashaariicda timirta iyo abuur badinta, iibsiga qalabka goynta dalaga, dhismaha xarunta wasaarada beeraha, mashruuca tijaabada iyo taranka xoolaha iyo mashruuca daawaynta xoolaha.

Dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha

Waxa ku jira dhismaha biriishka sadexaad ee Burco oo qayb galaga qaadanaayo oo madaxweynuu soo balanqaaday,iibsiga qalabka isku xidhka isgaadhsiinta, dhiska iyo dayactirka wadooyinka dalka, waxa kale oo ku jira biriishka Boorama oo madaxweynuu balanqaaday laakiin miisaaniyada madaxtooyada ka soo baxaysa.

Horumarinta deegaanka waxa ku jira

Mashruuca wax ka qabashada xaalufka, mashruuca dhiraynta iyo tamaraynta dhirta iyo mashruuca gurmadka aafooyinka.

Biyaha

Mashruucyo biyo xidheen, qodista ceelalka dhaadheer, mashaariicda biyo joojinta dooxooyinka iyo mashaariicda dhaamka Taleex.

Horumarinta dhalinyarada iyo shaqo abuurka

Waxa ku jira miisaaniyada sanduuqa horumarinta dhalinyarada, qabashada ciyaaraha gobalada iyo horyaalada, waxa kale oo ku jira dayactirka garoomada cagta ee Ceerigaabo, Oodweyne iyo Burco iyo Timacade ee Hargeysa, Barnaamijka shaqo qaran.

Mudanayaal iyo marwooyinba miisaaniyadu waxay ka turjumaysaa himilada iyo hamiga qarankeena waa miisaaniyad balaadhan oo u baahan si wada jir ah in looga wada shaqeeyo sidii qorshahaas aynu qoondaynay loo hirgalin lahaa, waxii aynu qoondaynayna u soo xarayn lahayn waxaanu ka codsanaynaa golaha sharafta leh inay kaalin weyn ka qaataan sidii loo xaqiijin lahaa miisaniyada noona ansixiyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here