Wasiir Sacad Oo Soomaaliya Ugu Hanjabay Inay Farogelin Doonaan Arrimahooda Gudaha, Haddii Ay Farogeliyaan Arrimaha Gudaha Somaliland

0
538

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dawladda Somaliya ugu hanjabay in haddii ay soo farogeliso arrimaha gudaha Somaliland, ay dawladda Somaliland markaas farogeln jawaab ah oo toos ah ku samayn doonto siyaasadda gudaha ee Somaliya.

Dr. Sacad oo u waramay majalada African Arguments, wuxuu dunida ku canaantay inay ceeb ku tahay inay aqoonsan waayaan qaddiyadda Somaliland “26 sannadood ayaa ka soo wareegtay markii aanu go’aansanay inaanu ka baxno Midowgii, weli lanama aqoonsan, laakiin wax badan ayaa is bedelay. Somaliland-ta 2017 aad bay uga duwantahay Somaliland-tii 1991. Wadankayagii ayaanu dhisanay, dhaqaalihii ayaanu dhisanay, waxaanan galnay shan doorasho oo hal qof iyo hal cod ah. Degenaansho ayaanu gaadhnay, wax badana waanu ka qabanay arrimaha bulshada, waxaanan leenahay 30 jaamacadood oo aanaan hore u lahayn iyo kun dugsiyo dhexe ah.” ayuu yidhi Dr. Sacad oo intaas raaciyay “Siyaasad ahaan Somaliland aad bay u wanaagsantahay. Horaantii sagaashamaadkii marka aanu nimaadno Ingiriiska, waxaanu la kulmi jirnay saraakiil hoose, laakiin hadda waxaan la kulmaa heer wasiir. Waxaan qabaa inay dunida ceeb ku tahay inay aqoonsan waayaan Somaliland, waxa la dafirsanyahay xuquuqdayadii qaranimo, dhinac waa ka arrin biniaadminimo. Ma jiro dunida dal odhanaya Somaliland ma jeclin, sababtoo ah dhibaato uma gaysanayno. Si kale haddii loo yidhaahdo, aqoonsi buuxa oo Somaliland heshaa wuxuu ka caawinayaa bulshada caalamka sidii ay ula tacaali lahaayeen caqabadaha jira sida argagixisada iyo budhcad badeeda.”

Dr. Sacad, mar la weydiiyay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi “Wada hadalo ayaanu la bilownay Somaliya sannadkii 2012, shan sannadood wax badan maanu gaadhin. Madaxweynaha cusub ee Somaliya wuxuu sheegay inay wada hadaladu ka go’anyihiin, bulshada caalamkuna aad bay u taageersaysaa, sidoo kale anagana way naga go’antahay. Waxaanu rajaynaynaa inaanu miiska dushiisa si nabad ah ugu xalino wixii kilaaf ah ee dhexdayada jira, sababtoo ah haddii kale waa inaanu dagaalamaynaa, taasina waxay wax yeelaysaa labadayada dhinac iyo gobalkaba.”

Wasiir Sacad oo ka sii hadlaya dagaal dhex mari kara Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi  “Waxaan filayaa inuu yahay jidka keliya ee noo furan. Waxay ku andoocanayaan in Somaliland ka mid tahay Somaliya, haddii ay doonayaan inay dhaqan geliyaan  waxa ay ugu yeedhaan xaqa ay u leeyihiin in Somaliland laga maamulo Muqdisho, markaas waanu la dagaalamaynaa, waana inaad dagaal gashaa. Waxaanu farogelin doonaa arrimahooda gudaha, haddii ay arrimahayaga gudaha farogeliyaan, markaasna waxaanu yeelanaynaa xidhiidh cadaawadeed, xidhiidh cadaawadeedna labadayadaba uma fiicna, gobalkana uma fiicna.