Wasiir Sacad Oo Soo Bandhigay Laba Qodob Oo Xukuumadu Ku Taageertay Xulafada Sucuudiga, Kana Hadlay Sababta Uu Uga Hadhay Weftiga Madaxweynaha

0
648

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka jawaabay su’aalo ay shacabka Somaliland iska weydiinayaan sababta ay dawladda Somaliland u kala taageertay dalalka Khaliijka maadaama oo aanu midkoodna aqoonsanayn Somaliland.

Wasiir Sacad, wuxuu sheegay in Somaliland markii ay qaadanaysay go’aankan ay garab istaagtay Sucuudiga ay ka eegtay laba dhinac oo ah siyaasad iyo dhaqaale. Wasiirka oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu uga mid noqon waayay weftiga Madaxweyne Siilaanyo, maadaama oo uu yahay wasiirkii arrimaha dibadda. Waraysigaas Wasiir Sacad Cali Shire, wuxuu u dhacay sidan:

Khilaaf siyaasadeed ayaa soo kala dhex galay Wadamada Khaliijka, markaas mawqifka Somaliland ee khilaafkaas siyaasadeed ka waran?

Haa waa dhib oo khilaaf baa ka soo cusboonaday, balse inagu wadan ahaan go’aan baynu ka qaadaynay ah inaynu taageerno xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayo.

Xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo iyo Wadanka Qatar midna inama ictiraafsana, oo jiritaanka iyo madax-baanidada Somaliland ma aqoonsana, markaas waa maxay sababta aad Xukuumad ahaan ugu kala hiiliseen, madaama aanay midna qaranka Somaliland aqoonsanayn?

Inagu markii aynu go’aanka qaadanaynay waxaynu ka eegnay dhinaca Siyaasadeed iyo dano Dhaqaaleba, sababtoo ah Wadanka Sucuudigu waa Wadanka ugu weyn ee aynu xoolaha u dhoofino, ee ay Xoolaheenu u xidhan yihiin, waana Wadan ay inaga dhexeeyaan cilaaqad taariikhiya, markaas mawqifkaynu qaadanay waa mawqif siyaasiya oo ku salaysan danteena Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland safar kedis ah oo gaar ah ayuu ku tagay Imaraadka, markaas waa maxay ujeedada safarkiisu?

Madaxweynaha safarkiisu waa safar gaar ah, kolay madaama uu yahay Madaxweynihii Qaranka Somaliland dabcan hawlaha Qaranka inta uu joogo wuu galaya.

Madaama aad tahay Wasiirkii Arrimaha Dibadda, maxa sababay inaad ka hadho oo aad qayb ka noqon weydo Safarka Madaxweynaha?

Madaxweynuhu safarkiisu wuxuu ahaa safar gaar ah, mar haddii uu safarkiisu yahay safar gaar ahna wax dhib ah oo ku jiraa in aan ka hadho ma jirto,

Komishanka Doorashooyinka wakhtigii Doorashada Madaxtooyadu dhici lahayd wey iclaamiyeen, Madaxweynuhuna wareegto ayuu ku dhaqan galiyey, markaas ma laga yaaba inay Doorashadu mar kale dib u dhacdo?

Qadar ALLE oo dhaca mooye, lagama yaabo inay Doorashadu dib inooga dhacdo, inaga xaggeena waa ka diyaar Guddida Doorashada, Dawladda, Xisbiyada iyo Shicibkuba, diyaar bay yihiin, markaas Doorshadu haddii ALLE idmo wakhtigeeda ayey inoogu dhici doontaa.

Beesha Caalamka, gaar ahaan Wadamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinka, Xukuumadda marar badan bay ku canaanteen dib u dhaca ku yimid Doorashada, markaas hadda talowo ma jiraan wax kharash ah oo ay Somaliland ka caawinayaan si doorashadu u qabsoonto?

Kharashka Doorashada wixii hadda ka hadhay, ama kaadh qaybin ha ahaato ama maalinta Doorashada la galaayo ha ahaato, taas inaga ayaa bixinayna, kharashka Doorashooyinkuna uu badnaa madaama dhawr jeer dib loo dhigay, kharashkuna intii uu ka badnaa, laakiin wali wey ina caawiyaan, laakiin kharashka bucda leh ee hadhay, Dawladda ayaa bixinaysa.

Xidhiidka Beesha Caalamka iyo Somaliland ee wakhtigan ka waran?

Xidhiidh aad u fiican ayaa inaga dhexeeya guud ahaan Caalamka, Wadamada aynu jaarka nahay, Wadamada Afrika, Yurub iyo Mareykanka, mar walbana hadafka Dawaladda Somaliland waa sidii u horumarin lahayd xidhiidhka Beesha Caalamka, waxayna marti uga nahay Caalamka inay madax-baanideena iyo jiritaankeena qiraan.

Maxaad guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqaysa?

Shacabka waxaan ugu baaqaya midnimo, madaama aynu ku jirno tobankii cisho ee ugu dambeeyey ee Ramadaan waxaana ALLE ka baryayaa inuu inaga dulqaado dhibaatooyinka ay ka mid yihiin raadkii ay abaartu ka tagtay, ee ay ka mid yahay shuban biyoodka, Shacabkana waxaan leeyahay niyad sami la yimaada, waxaana shacabka leeyahay nabadgalyada ku dadaala,