Wasiir Sacad Oo Sheegay In Duruufaha Somaliland Haysta Lagu Saleeyay Qiimaha Lagu Kireeyay Saldhiga Berbera

0
1087

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad CalI Shire ayaa sheegay in saldhiga malitari ee Imaaraadka ay Somaliland siisay ay qiimo jabiyeen duruufaha Somaliland ku xeeran oo ay kow ka tahay aqoonsi  la’aanta beesha caalamka ka haysata.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in aanu war buuxa ka hayn madaxweyne Biixi  bixinta madaarka Imaaraadka la siiyay markii uu sheegay in la kireeyay, maadaama oo uu maalmahaas uun xilka qabtay,waxaanu mar labaad ku celiyay in madaarkaas ay Somaliland ku badalatay mashaariic kale.

Wasiir Sacad ayaa sidan ku sheegay waraysi uu siiyay Dawlad Xasan Cilmi oo ku waraystay wasiirka tilifishanka Horyaal24, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay saldhiga Imaaraadka ay Somaliland siisay uu yidhi “Heshiiska saldhiga waxaynu saxeexanay 2/2017 inay ahayd ayaan jeclahay, baarlamankeena ayaa la geeyay shuruudaha lagu siiyay halkaas ayay ku qornaayeen wax cidi ay ikhtiraacayso maaha, baarlamaankuna waa uu akhriyay markaasna guddoomiye Cirro waa uu joogay imikana qaybta kaydka qoraalada ee baarlamaanka ayuu yaalaa, isticmaalka saldhiga waxaynu waydaarsanay  Waddo,madaar iyo waxyaabo kale oo la socday oo ay ka mid ahayd in dhalinyaradeena loo furo suuqa Imaaraadka inay inaga caawiyaan biyaha iyo tamarta ayaa la socday.”

Waxa wasiirka la waydiiyay sida ay isku waafaqayaan hadalkiisa iyo ka madaxweyne Muuse Biixi ee ah in la kireeyay“ Madaxweynaha haddii laga sheegay waa laga yaabaa isaga oo aan hayn war buuxa inuu isagu sidaas u cabiray,laakiin xaqiiqdu waxay ahayd in qoraal ay ahayd oo uu baarlamaanka yaalo.”

Wasiir Sacad ayaa la waydiiyay in qiimihii ugu jabnaa ay ku kireeyaan saldhiga milatari oo ka mid ahaa hantida dalka waxaanu ku jawaabay“Waa inaad duruufta eegto shay kaliyaata ayaad marna boqol siisaa marna toban siisaa, duruuf ayaa jirta inagu xeeran inaga laynama ictiraafsana, waxaynu eegaynaa maxaa inoo dan ah ma waxaynu haysanaa madaar aan la isticmaalayn, mise si kale oo inoo faa’ido ah ayaynu u isticmaalnaa .”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here