Wasiir Sacad Oo Muddo Kordhinta Guurtida Ka Dib, La Weydiiyay Saamaynta Ay Mudada Cusubi Ku Yeelan Karto Xidhiidhka Somaliland Iyo Beesha Caalamka

0
808

"Dr. Sacad Muxuu ka yidhi socdaalka xoghayaha Qaramada Midoobay Ee Muqdisho"

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire, ayaa ku dooday inaanay muddo kordhintan cusubi dhibaato iyo dhaawac u gaysanayn xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka oo aad uga soo horjeestay muddo kordhin mar labaad loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Sacad oo shalay waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay socdaalka uu magaalada Muqdisho ee Somaliya ku tagay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Waraysiga ayaa wuxuu u dhacay sidan:

Madaama aad tahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Xukuumad ahaan sidee ayaad u aragtaan socdaalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku tagay Somaliya?

Xoghayaha Qaramada Midoobay xaq buu u leeyahay, inuu tago dalka uu doono, haddii uu Somaliya tagayna waa u xor, kolay abaaraha ka jira awgeed buu u tagay, laakiin inaga Somaliland baa la ina yidhaahda, Somaliland ahaana waxaanu uga fadhinaa gurmad deg deg ah oo ku waajahan abaaraha.

Golaha Guurtidu muddo kordhin bay u sameeysay Xukuumadda, Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, markaas muddo kordhintaas sidee ayaad u aragtaa?

Guurtidu xaq bay u leeyihiin in wixii loo xil saaray waajibkooda ka gutaan, inaynu ku ixtiraamno mooye hadal kale kuma lihin

Beesha Caalamku, gaar ahaan Wadamadda Somaliland ka caawiya Doorashooyinku, aad bay uga soo hor jeesteen muddo kordhintii hore loo sameeyey, markaas  ma la odhan karaa madaama heshiiskii Xisbiyada ay Guurtidu baal martay in aanay Beesha Caalamku raali ka noqonayn muddo kordhintan cusub?

Guurtida ayaa Dasuuriyan xaq u leh inay goyso, weyna gooysay, imikana waxa loo baahan yahay in laga hawl galo sidii ay Doorashadu u dhici lahayd, dib u dhaca Doorashadana wax kale may keenin ee abaaraha jira dartood ayaa keenay, mana qabo in Beesha Caalamku is bedel ku yimid.

Ma la odhan karaa xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalama is bedel baa ku yimid oo wuu xumaaday?

Maya, xidhiidhka Caalamka inoo dhexeeya wuu wanaagsan yahay, wax iska bedelay ma jiro, inuu wanaagsanaado mooyaane, wax xumaaday iyo dhibaato ku timid ma jirto.

Abaaruhu wey ka sii darayaan, markaas maxaad beesha Caalamka ugu baaqaysa?

Caalamka waxaanu ka sugaynaa oo aanu marti uga nahay inay naga caawiyaan abaaraha, gurmad deg deg ah ayeynu u baahan nahay iyo inay gargaar deg deg ah inoo fidiyaan, haddii roobabkii di’I waayaan labada todobaad ee soo socda, xaaladeenu aad iyo aad bay u xun tahay. 

Sicir barar baa dalka ka jira, walina xal wax lagaga qabto looma helin, markaas adigu sidee ugu fudud ee xal loogu heli karaa sicir bararka?

Haddii aynu nahay Somaliland oo aynu doonayno inaynu maarayno sicir bararka inaynu wax soo saar sameeyno, oo aynu yareeyno waxaynu dibadda ka keenayno, lacagtana faraha badan ee maalin walba qaadka inagaga baxaysa lafteeda waxaynu u baahan nahay inaynu wax ku bedelano oo loo maal dayo, haddii aynaan waxba soo saaran, wixii yaraa ee ina soo galana aynu siisano wax dhib mooye aan manfac ahayn waa dhibaato, shilinkeenuna qiimo yeelan maayo, shilinkeenu wuxuu ku xidhan yahay hadba sida aynu wax ula soo baxno, oo beeraha wax kala soo baxno, oo warshadaha wax kala soo baxno, oo macdanta wax kala soo baxno, markaas buu shilinkeenu xoogaysanayaa.