Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Doorashadii Madaxtooyada Iyo Aragtida Beesha Caalamka

23
4513

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Doorashadii Madaxtooyada, aragtida Beesha Caalamka, Goob Joogayaashii ka kala socday Caalamka iyo tirada goobaha ay tageen, waxaanu xusay inay Somaliland horumar ka gaadhay Dimuqraadiyada, isla markaana Beesha Caalamka looga fadhiyo inay Somaliland aqoonsadaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay in laga hor dhaco natiijada Doorashada ee Komishanka, waxaanu is barbar dhig ku sameeyey Doorashooyinka Somaliland iyo Somaliya, ugu horeyna wuxuu hadalkiisi ku bilaabay “Doorashadani waxay ahayd Doorasho nabad ku dhacday, nidaamkii loogu tagalayna wey ku dhacday, si wacana wey inoogu qabsoontay, inaguna waxaynu doonaynay inay Doorashadu si xor ah oo xalaala inoogu dhacdo, oo aan qofka la iska hor taagin, Goob Joogayaashii Beesha Caalamkuna wey inoo qireen, waxayna yidhaahdeen “Waanu ka markhaati kacaynaa inay Doorashadu nabad ku dhacday”. Goob Joogayaashuna 350 goobood, oo ku kala yaala Gobolada dalka ayeyna taageen, markaas waxay qireen inay Doorashadu si fiican inoogu dhacday, oo aanu qofna la kulmin carqalad ka hor istaagtay inuu codkiisa dhiibto, aadna wey u amaaneen sida loo agaasimay Doorashada”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko wararka hor dhac ah ee aan Komishanka ka soo bixin ee Bulshada iyo Xisbiyadu isla dhex marayaan ee ku saabsan Doorashada ayaa ku jawaabay “Waxaan Bulshada  leeyahay, oo aan ugu baaqayaa in amarka iyo itijaaha ay bixiyeen Guddida Doorashooyinka qaata, cid kale oo aan Guddida Doorashadooyinka ahayn oo xaq u leh inay natiijada sheegto ma jirto, iyaga oo qudha ayaa xaq u leh inay sheegaan natiijada iyo sida wax loo kala helay, markaas waxaan ku baaqayaa in laga war sugo Guddida Doorashooyinka, iyaga ayaa hawsha Doorashada inooga masuul ah, oo inoo xil saaran”.

Mar uu is barbar dhig ku sameeynayey Doorashooyinka Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Inaga iyo Somaliya waxaynu kala joognaa laba heer, oo aad u kala fog, haddii ay noqoto nidaamka Dawliga ah ee Dimuqraadiyada iyo haddii ay noqoto horumarka dhinaca nabadaba,Doorashadana inaguma cusba ee waa Doorashadii lixaad, ee dadku soo baxeen, ee ay kuyuu galeen, oo codkooda dhibteen, iyagu wali midna may bilaabin, markaas inagu Somaliland ahaan ilaa iyo sannadkii 2002, ayey dadkeenu coddeynayeen, waa muddo fog oo laga joogo 15 sanno, wali Somaliya halkaas may gaadhin, Doorashadana waxaana rajaynayaa inay ka markhaati kacayso bisaylka ay dadkeenu u bislaadeen Dimuqraadiyada, waxaana xaqiiqo ah in Somaliya, Dalal badan oo Afrika ah  iyo  meelo badan oo Caalamka ka tirsanba inaynu inagu  ka nidaam wanaagsan nahay dhinaca Doorashada, oo Doorashadii dhawaan ka dhacay Kenya weynu arkaynay wixii ka dhacay, markaas Somaliya oo qudha maaha Afrika gabigeedaba weynu ka horeynaa”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay Doorashada iyo Beesha Caalamka ayaa ku jawaabay “Waxaanu xaqiijinay, inaynu  xaq u leenahay in la inoo aqoonsado oo aynu nahay Wadan madax banaan, oo jira oo Geeska Afrika ka jira, oo kaalin weyn kaga jira nabada iyo horumarka Geeska, waxaana Beesha Caalamka uga fadhinaa inay ina siiyaan Aqoonsi buuxda, madaama aynu buuxinay shuruud walba oo looga baahan yahay Wadan”.

Wasiir Sacad mar uu baaq u diraayey Axsaabta ayaa yidhi “Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Axsaabta iyo Taageerayaashaba inay arinka natiijada Doorashada  u dayaan Guddida Komishanka, wixii kale dadka khal-khal bay galinayaan, Doorashadii sida wanaagsan inoogu dhacday yaanay xagga dambe ka xumaanin,Dimuqraadiyada ayaa ah in la tartamo, oo la kala badiyo, oo kay dadku doorteen loo haneeyo, Madaxweynaha la doortayna madax uma ah, cidii dooratay oo kaliya, ee Wadanka oo dhan ayuu Madax u yahay, waxaana laga rabaa cadaalad iyo inay dadka oo dhami u sinaadan, Madaxweynuhu mar wuxuu ku soo baxaya Xisbi, marna waa Madaxweyne qaran, oo haddii ay cidi soo saartay, waa madax qaran, oo dadka oo dhan ayuu Madaxweyne u yahay, masuulna ka yahay, ee Madaxweynaha la doorto sinaan iyo cadaalad dadka ha u sameeyo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here