Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Si Adag Uga Hadlay Siyaasiyiinta Diidan Saldhiga Milatari Ee UAE

0
552

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa hadal la iska yidhi ku tilmaamay siyaasiyiin si adag uga horyimid in Imaaraadka Carabta saldhig laga siiyo madaarka Berbera, waxaanu sheegay inay Baarlamaanka horgaynayaan arrinta madaarka Berbera.

1

Maxamuud, oo shalay isagoo horkacaya wefti wasiiro ah ka dhoofay madaarka Hargeysa, una sii jeeda Itoobiya, wuxuu yidhi “Waxaanu xukuumadaha ka baryi jirnay waar heshiisyada baarlamaanka keena, annagu maanta annagaa la ordayna oo gaynayna, DP world ayaanu gaynay, kana waanu gaynaynaa, goleyaashu haddii ay diidaan halkaasaanu kaga hadhaynaa, hadday ogolaadaana halkaasaanu ka wadaynaa, cid joojin kartaana ma jirto, ragga suuqa ka hanjabayaa ma joojin karaan, iska hadloow ina iigare.”

Mar la weydiiyay colaadaha ka taagan Yemen iyo saamaynta uu saldhigani ku keeni karo ammaanka Somaliland wuxuu yidhi Maxamuud Xaashi  “Waxaanu la jaalnahay dawladaha isbahaysiga wadamadan carabta ee suniga ah, laba labayn mayno, annagu fariiqada shiicada ma nihin ee fariiqada suniga ah ayaanu nahay, imikaba dhexdhexaad ma nihin ee dagaalka qayb ayaanu ka nahay, dagaalku maaha ka gacanta oo keliya, inaan belo ka iman ma danaanad qaadaysaa, mayee damaanad qaadi mayno, umad jirtaynu nahay, ciddii ina soo doonatana  waan iska celinaynaa, umana rag li’in kuwan aynu iskaashanaynaa jaalalka aynu leenahay ayay ka mid noqonaysaa, xuutiyiina ka biqi mayno.”

Maxamuud Xaashi oo la weydiiyay inuu ku cuslaaday xilka wasiirka madaxtooyada oo sirihii dawladda suuqyada laga helo wuxuu yidhi “Anigu ismana faano, faankana ma jeceli, aniga waa la I yaqaanaa, xilka intaan joogayna waa la I yaqaanaa madaxtooyada Somaliland.

Inaadeerkay Xirsi waxba xumaan ku sheegi maayo, raganimadisana waan ku hambalyaynayaa, wuxuu qabtayna, hoggaamiye ayaanu leenahay, ninka dalka maamulaa waa Axmed-siilaanyo siyaasadiisa ayuu kus haqayn jiray ana siyaasadiisaan ku shaqeeyaa.”