Wasiir Ku Xigeenka Shaqada Oo Finland Kaga Qayb Galaysa Shir

0
477

GGGHargeysa(Geeska)-Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa u anba-baxday dhinaca dalka Finland. Wasiir ku xigeenka ayaa marti qaad rasmi ah ka heshay Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Finland, halkaas oo lagu qaban doono shir u saabsan arrimaha haweenka. Shirkan oo furmi doona 12ka bishan aynu ku jirno ee May ayaa waxa uu qorshuhu yahay in uu socdo ilaa 17 ka bishan. Wasiir ku xigeenka iyo idil ahaanba dadka lagu soo marti qaaday ayaa waxa uu qorshuhu yahay in lagaga hadlo arrimaha haweenka siyaasada saamaynta ku leh, ku xilalka haya iyo kuwa xilal hore soo qabtay.

Marwo shukri xariir Ismaaciil ayaa Xalay Fiidkii Ka  ambabaxday Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka dalka Kenya, waxaana sida uu qorshuhu uu yahay ay gaadhi doontaa dalka Finland hadii alle idmo Maanta Sidoo kale marka uu shirku u dhamaado ayaa lagu wadaa in ay shacabka reer Somaliland ee ku sugan dalka Finland kala qayb gasho xuska 18-ka may iyada oo uga warami doonta xaalada guud ee uu dalka Somaliland wakhtigan ku sugan yahay.