Wasiir Ku Xigeenka Shaqada Khudbad Ka Jeedisay Shir Caalami Ah Oo Ay Ka Qayb Gashay

0
678

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Bulshada Somaliland Shugri Xariir Ismaaciil ayaa ka qeyb gashay Shir Caalamiya oo ka dhacay Wadanka Finland,Shirkan oo meeqaamkiisu aad u sareeyo ayaa si gaar ah  lagu soo casuumay Dawlada Somaliland. Shirkan waxaa sidoo kale ka soo qayb galay dhamaan wadanada Geeska Afrika ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo kala ah Djibouti, Eritrea, Etiopia , Keniya, Somalia, Sudan, Etelä-Sudan, Uganda iyo Somaliland. Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Arimaha Dibada Finland oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Finland, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii Shirkan lagaga hadlaayey Arimaha bulshada,xuquuqda Dumarka, horumarinta Dimuqaratiada iyo Xoriyadtulqawlka, Dawlad wanaaga,Hanaanka Barlamanka Xisbiyada badan iyo sida ay Finland uga shaqeeyan.

Waftiga ka socday IGAD oo ay Somaliland ka mid ahayd waxay kulamo la yeesheen wasaaraddo badan, Barlamanka Finland iyo Xafiiska hantidhawrka Guud oo ay ku lahaayeen aqoon korodhsi iyo Tababaro. Tababaradaas waxaa awooda la saarayay Xasiloonida iyo Horumarka, waxana ka mid ahaa sida loo maamulo loona xafido hantida Umadda, gaybta uu Macaaridku ku leeyahay Horumarka, Saxaafadda Madaxabanaan, Kobcinta Aqoonta iyo Shaqo abuurka.

Wasiir kuxigeenka shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaciil ayaa kaalin firfircoon ka qaadatay intii uu shirku socday. Marwo Shukri ayaa shirka ka soo jeedisay warbixin heer sare ah oo ay kaga warantay horumarka ay Somaliland ka gaadhay nidaamka xisbiyada, saxaafadda madaxabanaan iyo kobcinta dhaqaalaha iyadoonay Somaliland helin wax dhaqaale ah oo la taaban karo.

Intii uu shirku socday Marwo shukri waxay meel sare geysay Qadiyada iyo Aqoonsi raadinta Somaliland oo ay si wayn ugu farxeen dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Finland.

Waxay la kulantay ku dhawaad 17 xildhibaan oo ka yimid wadamada IGAD,  Golaha barlamanka Finland, Wasiirka Arimaha Dibeda Finland Erkki Tuomioja, Wasiirka horumarinta Finland Pekka Haavisto,Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Cafimaadka Finland Paula Risikko iyo dalada haweenka ee Barlamaanka Finland ee Marttaliitto oo ay  dhamaantoo kala hadashay sidii ay uga taageeri lahaayeen Somaliland baahiyaha ka jira iyo aqoonsi raadinta.

Madaxda kale ee ay Wasiir Shukri Harir la kulantay waxaa ka mid ahaa Dr.Salim Ahmed Salim Raiisalwasaarihii hore ee dalka Tazania ,Alexander Rondos wakiilka Afrika ee Yurub iyo xoohaya guud ee urur goboleedka IGAD Eng, Maxbuub Macalin iyo madax badan oo saamayn wayn ku leh siyaasada Addunka.

 Marki ay kulamadaasi soo dhamaadeen waxay wasiirku xigeenku la kulantay Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan wadanka Finland.