Wasiir Khaliil Oo Shacabka U Iclaamiyay Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

0
589

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa shacbiga Somaliland ugu dhawaaqay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo xalay bilatay, waxaanu dadka musliminta ah u soo jeediyay waxyaabaha loo baahan yahay bishan in ay la yimaadaan.

Waxa uu wasiirku umadda ku booriyay Alle ka cabsi,danbidhaafka oo ay dalbadaan,balwadaha oo ay joojiyaan iyo quraan akhriska oo la badiyo, waxaana wasiirka oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi"Waanu filaynay bishii Ramadaan inay xalay bilato(Habeen hore) laakiin lama arkin adduun waynahana aad ayaanu ula soconay oo waanu baadhaynay,waxa cadaatay ugu danbayntii in inaga iyo dalalka jaarkeena'ahiba aynu arki kari waynay maanta oo soddonkii shabcaan ah (Shalay) waxaanu nidhi hala dhamaystiro caawa oo kowdii Ramadaan ah (Xalay) oo sabti ah ayay noqotay in dadka loo sheego in Ramadaan ay caawa (Xalay) bilanayso."

Wasiirku waxa uu umadda muslimiinta ah u soo jeediyay"Bishani waa tii uu Alle hanuunkiisa iyo iftiinkiisa uu aduunka soo gaadhsiiyay ee uu madawgii ka saaray sidaas darteed umadda muslimiinta ah waxaanu dareensiinaynaa inay bishan ka faa'idaystaan oo ay iimaan ka korodhsadaan. Waa bishii loo baahnaa inaan niyada daahir ka dhigno oo Alle loo noqdo markaas toobad keenka waa in la badiyo. qodobka saddexaad ee aan dadka fari lahaa waxa weeye in jeebka la furo oo masaakiinta la caawiyo, waayo waa bishii la yidhi muuminka risiqiisa waa la kordhiyaa, qof kastowba isku day inaad wax bixiso. waa in layska daayo meelaha la fadhiisto ee qaadka iyo waxanbaa la yidhi iyo waxanbaa la yidhi waayo wakhtiba uma hayno oo quraanka ayaa loo baahan yahay in la akhriyo oo asxaabtiisana uu nabigu CSW ku booriyay oo iskaba daa intaas'ee uu malakul jibriil u iman jiray oo uu nabiga CSW la subcin jiray."