Wasiir ka Tirsan Xukuumadda Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay In Qofka La Xidho Waaran La’aan

0
498

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo arrimaha garsoorka ee Somaliland Mudane Axmed Faarax Cadare ayaa sharci daro ku tilmaamay in qofka la xidho iyada oo aan waaran Maxkamadeed loo soo jarin, sharcigana aan loo marin, waxaanu sheegay in aanu sharcigu ogoleyn xadhiga noocaas ah.

1

Wasiirka oo isagu arrimaha garsoorka iyo caddaaladda ee ay khusayso arrintan uu ka hadlayaa qaabilsan ayaa warkan sheegay xilli ay taagan tahay dood la xidhiidha dhalinyaro ka hadashay heshiiska dekedda Berbera oo xabsiga si toos ah loogu taxaabay iyada oo sida la sheegayo aan wax waaran ah loo soo jarin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Axmed Faarax Cadarre oo waraysi siiyey Talefishanka Horn Cable ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada dadka maxaabiista ah iyo sida ay masuuliyiintu u ilaaliyaan Xuquuqal Isaanka, isaga oo ugu horreyn ka hadlaaya duruufaha maxaabiista kala duwan ee xabsiga lagu soo wada xidhayo iyo fursadaha ay u helaan cibaadada waxa uu yidhi, “Khayrku waa uu badan yahay oo dad muslim ah ayeynu nahay, oo shareecada Islaamka dabbaqa kuna faana, Horta Salaadu iyadu waa waajib. Qolku inta uu qaadi karo waad garan kartaa, dadka meesha la iskugu keeno qaar, qaar alakood ah oo aan weligood tukan baa ku jira, qaar culimo ah baa yimaadaa, qaar xagjir ah baa yimaada, qaar caqiidooyin kale aamisan baa jira.

Wakhtiga ay tukanayeen faralka waa loo fasaxaa, haddana ILLAAHAY ha ka jasaa’i siiyee, waxaa jira dhalinyaro isku tagay oo in muddo ah dacwada waday baa jirtay, madaamu aanu jeelku ahayn meel wax lagu cadaadiyo oo lagu dilo ee uu ahaado Asluubta, Asluubtana waa anshaxa iyo dib u habayn qofka lagu sameeyo, waana ka qayb qaadanay, dadkaasina dib u habayn bay u  baahan yihiin, qaar dagaal ayey u xidhan yihiin, qar muddo dhexe ayaa ay xidhnaanayaan, qaarna wey ku jirayaan, waana in qofku helaa xaqii uu qofkii caadigaa ahaa helaayey"

Dhinaca kalana wasiirka cadaaladdu waxa uu sheegay in heerka xuquuqal insaanka ee Somaliland uu marayo halkii u sarraysay, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha arrintaa la xidhiidha ee ka yimaadda haayadaha u dooda xuquuqda aadamaha. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi "Xuquuqul Isaanka marka laga hadlaayo horta waa waajib ina wada saaran guud ahaan, maaha Wasaaradda Cadaalad oo kaliyaata, qof walba oo muslim ahi waa inuu yaqaana xaqa uu muslimku ku leeyahay, in la ilaaliyaana waa lagama maarmaan. Waxna waa iska hadal suuqa gala, waxna waa xaqaa'iq, marka waxa aynu ka duulayno waxay u baahan tahay misaankeeda Sharciga ah. Qofka masuulka ah iyo qofka miskiinka ah horta waa inuu u sinnaado sharciga sidiisaba maaha inuu cidna qabto cidna sii daayo, Wasaaradda ahaana waxyaabaha aanu u taagannahay waxa ka mid ah in qofka muwaadinka ah xilka uu doono ha hayo ama yaano haynin ee wixii marka ay noqoto gar, gari ALLE taqaane (Ay u sinnaadaan)"

Wasiirka Cadaalada ayaa mar uu ka hadlaayey qaabka wax loo xidho ee sharciga ah waxa uu sheegay in aanay habboonayn in qof la iska xidho iyada oo aan nidaamkaas sharciga ah la marin, waxa aanu ku taliyey in Somaliland ahaan la joojiyo dhaqankaas ah in dadka la iska xidho, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, "Qaabkan ay imika reer Somaliland u dhaqmaan waa in wax laga bedelaa, waa in aynu sugnaa in qofka muwaadinka ah aan toos la iska xidhin, ee dariiq saxda ah loo soo maro, oo loo soo qaata waaran”

Laakiin waxa uu wasiirku sheegay in ay jirto xaalado aan kugu simi karin in qofka waaran loo soo qaato, isaga oo sheegay in ay ka mid tahay xaaladaha la xidhiidha amniga oo uu sheegay in dunida oo dhan si gaar ah loola dhaqmo, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Halkaas waxay u baahan tahay in aynu ka fiirsanno, wax yaabaha qaar waa ay ku sugayaan, laakiin wixii amniga ku saabsan waa laga saaray Caalamka oo dhan, laakiin wixii madaniga ku saabsan ee askariga loo yeedhayo ee la iska xidhayo qofka, sharcigu ma’ ogola cidda waddana waxaanu leenahay joojiya"