Wasiir Ka Tirsan Dawlada Somaliya Oo Xalay Fiidkii Lagu Toogtay Duleedka Madaxtooyada

0
519

Wasiir ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay maagaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan dawladda Somaliya.

Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji oo ahaa wasiirka howlaha guud iyo dib udhiska yaa waxaa toogasho ku dilay ciidammada dowladda, sida uu bartiisa Facebook-ga ku soo qoray wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Yarisow.

Ma cadda wali sida ay ku timid is israsaaseynta uu wasiirku ku dhintay oo ka dhacday agagaarka madaxtooyada. Balse wasiirka warfaafinta ayaa sheegay inuu baadhitaan socdo.

Cabaas oo 32 sano jir ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka ugu d'ada yar wasiirada xukumadda cusub. Wuxuu ka mid ahaa qaxootigii ku soo barbaaray xerada qaxootiga ee Dhadhaab. Wuxuu sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliya.