Wasiir Ingiriis Ah Oo La Weydiiyay Inay Dawladda UK Sii Wadi Doonto Taageeridda Horumarka Somaliland, Maadaama Oo Ay Culays Saartay Dhinaca Dawlada Somalia

0
490

Picture2London(Geeska)-Xildhibaan Stephen Doughty, oo ah mudane ka tirsan aqalka wakiilada ee Ingiriiska ahna guddoomiyaha garabka mucaaradka ah ee Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa wasiirka horumarinta caalamiga ah ee wadankiisa Ms. Justine Greening, weydiiyay inay dawladu sii wadi doonto taageerista horumarka shaqaynaya ee Somaliland, maadaama ay ku mashquulsantahay dhinaca Somaliya.

Xildhibaaanka ayaa wasiirka su’aashan ku weydiiyay kulankii Baarlamaanka ee 5 March, oo ay wasiiradu marti ku ahayd, waxaanay su’aasha xildhibaanku u dhignayd sidan,  “Inkastoo ay dawladu ku saxantahay xoogga ay saartay taageeridda horumarka Somaliya, xoghaya arrimaha dibaddu ma ii xaqiijin karaa inay DFID [Waaxda horumarinta caalaamiga ah] sii wadi doonto taageerista horumarka shaqaynaya ee Somaliland.”

Ms. Justine Greening, ayaa su’aashaas kaga jawaabtay inay Somaliland iyo Ingiriisku leeyihiin xidhiidh taariikheed oo qoto dheer, “Mudanahaasi wuu saxsanyahay, runtiina Ingiriisku xidhiidho taariikhiya ayuu la leeyahay qaybtaas Somalia ka mid ah [Somaliland].”

Iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay wasiiradu tidhi, “Waxaanu qorshaha ku darnay sanduuqa horumarinta Somaliland [Somaliland Development fund], waxaanan ku faraxsanahay inaaan xildhibaanka faahfaahin dheeraad ah ka siin karo arrintaas. Waxaan fursad u helay inaan sanduuqan kala xaajoodo bulshada Somalida ah ee Ingiriiska joogta, mar aan tagay munaasibad dhawaan ka  dhacday xaafadda Ealing.”

Dawladda Ingiriiska ayaa dhawaan hirgelisay sanduuqan loo bixiyay Somaliland development fund, waxaanay xafiis ka furteen magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.