Wasiir Ingiriis Ah Oo Balan Qaaday Inay Dawladu Baadhayso In Deeqaha Loo Ururiyo Somaliland Ay Shacabka Soo Gaadhaan Iyo Inay Ku Lumaan Dariiqyo Kale

0
490

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa balan qaaday inay baadhis ku samayn doonto in mucaawinooyinka laga ururiyo dalka Ingiriisku si rasmi ah u gaadhaan bulshada Somaliland iyo inay ku dhacaan gacmo kale. Mawduucan ayaa lagaga hadlay fadhigii baarlamaanka Ingiriiska ee toddobaadkan.

Stephen Doughty oo ah xidlhibaan xisbiga shaqaalaha ee Ingiriiska ka tirsan oo aqalka baarlamanka ka soo gala degmada Koonfurta Cardiff iyo Penarth ayaa wasiiru-dawlaha horumarinta caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Priti Patel weydiiyey su’aal la xidhiidha halka ay martay caawimooyin Ingiriiska looga ururiyey dadka reer Somaliland ee ku tabaaloobay abaaraha.

Xildhibaanka oo su’aashan weydiiyey wasiiru-dawle Priti Patel oo golaha hor joogtay ayaa waxa ay su’aashiisu u dhignayd sidan, “Waxa aan bogaadinayaa dadka tirada badan ee reer Cardiff, oo ay ku jiraan kooxaha kubadda cagta ee deegaanka, ee dhaqaalaha u ururiyey dadka ku tabaaloobay dhulka ay abaaruhu ka dhaceen, gaar ahaan Somaliland. Waxa aan maqlay cabasho warwarkeeda leh oo ay dawladda Somaliland iyo dhinacyo kalaba ku sheegayaan in qaybo ka mid ah caawimada loo ballan qaaday gobalku aanay gaadhin. Wasiiru-dawluhu ma baadhi doontaa arrintan, wixii awooddeeda ahna gacan ma ka geysan doontaa in caawimadu ay gaadho”

Priti Patel oo iyada qudheeduna ah xildhibaan baarlaman oo ka tirsan xisbiga Muxaafadka ee dalka Ingiriiska, ayaa sidoo kale xildhibaanka su’aasha weydiiyey u sheegtay muhiimadda ay leedahay in dawladaha iyo maamullada dood adag la hordhigo iyada oo dhinaca kalana ballan qaadday in ay arrintan hoos u eegi doonto. Wasiirku waxa ay tidhi, “Mudanaha sharafta leh waa aan uga mahadnaqayaa ka hadlidda qodobkan. Waa in aynu mar kasta dood adag hordhigno nidaamka, iyo xitaa dawladaha iyo maamullada. Sida uu ogaan doono, waxaa jira duruufo u gaar ah Somaliland, waa goob ay ka jiraan caqabado badani. Waxa aan saari doonaa cadaadis joogto ah, waanan u soo jeedsan doonaa in aan ku dhawaaqo cidda horjoogsanaysa in caawimadu ay gaadho, si dhab ah ayaa aan u eegi doonaa qodobkaas uu xildhibaanku ka hadlay”