Wasiir Gabose Oo Ka Hadlay Rag WFP Laga Afdubay Iyo ONLF Oo Sheegtay Inay Soo Daysay

0
865

 

 

gabooseHargeysa(Geeska)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Cabdi Gabose, ayaa ka hadlay shaqaale ka tirsan hay’adda WFP oo ay jabhadda ONLF afduubtay oo doraad soo gaadhay magaalada Hargeysa, kuwaas oo shalay u socdaalay dalka Kenya.

 

Wasiir Gabose, oo shalay u waramay BBC-da, ayaa isagoo ka hadlaya labadaas nin wuxuu yidhi, “Labada nin shalay ayey soo gaadheen xadka Somaliland,  ka dibna waxa qaabiley maamulka Somaliland  iyo dadkii xadka joogay, way isku sheegen si wanagsan ayaa loo qabilay,  waxan ka muuqday dhib iyo rafaad ay soo mareen, waxanay la soo xidhiidhsinay  Xafiiska WFP ee Hargaysa, waxaanu u dirnay  Boolis iyo Saraakiil ka tirsan Hay’ada UNDP dhinca Ammaanka, si ay u soo xaqiijiyaan nimankani in ay yihiin nimankii hore loo Afduubay iyo Inkale, labadii nin ayey noqdeen waxaanu ku marti galinay hoga UNDP, waxan ila soo xidhiidhay sarakiisha UNDP ee dhinca Amaanka  waxayna noo sheegen in nimankii ay caafimaad qabaan, doonayaana in ay racaan Duyaarad u imanaysay maanta, kadiban ay ii sheegen  in ay doonayaan in ay qaadan waxanu na  si ku raacnay  bacdamaa dadkani yihiin dad Itoobiyaan ah in safaarada itoobiya ee joogta Somaliland ee Hargeysa lal xidhiidhsiiyo arintiina Safaarada ayaanu u yeedhanay, hay’addii UNDP waani la sii qaadnay,  ciidmada Boliiska Taliye ku-xigeenka iyo Hoggaanka hawlgalinta Fadal ayaa shalay galab xafiiskayga ku shirnay waxaanuna isku racanay sidii loo qaadi lahaa.”Ayuu yidhi Wasiirku.

Laakiin sida ay xalay qortay wakaaladda wararka ee Bloomberg, jabhadda ONLF ayaa sheegtay inay soo daysay raggaas ay hore u afduubtay, waxaanay sheegtay inay xadka Somaliland keentay kuna wareejisay wakiilo ka socday hay’adda WFP ee Qaramada Midoobay.