Wasiir Faratoon Oo Ka Jawaabay Eeddo Uu Xisbiga Waddani U Jeediyay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland

0
1066

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Yaasiin Maxamuuf Faratoon, ayaa ka jawaabay eeddo ay marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga Waddani u jeedisay xukuumadda oo ah in hoos u dhac ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland islamarkaana ay xaalad dhaqaale xumo ah ku suganyihiin xafiisyada ay Somaliland ku leedahay dalalka dibadda.

Wasiir Faratoon, oo uu Geeska Afrika weydiiyay jawaabta uu ka bixinayo eedahaas xisbiga Waddani, wuxuu yidhi  “Safaarado aynu leenahay oo xidhmay iyo kuwa xidhmayaa, midna ma jiro, Xafiisyo ama Safaarado Shacabka reer Somaliland kala jecelaysanaya ma jiro, dadkeena Somaliland ee qurba jooga ah marka ay dalka dibadiisa joogaan, waa dad isku mid ah, marka ay dalka gudihiisa joogaana waa dad isku mid ah oo isku xuquuq ah, marka dalka ay joogaan ayeyba kala Xisbi noqdaan, balse marka ay qurbaha joogaan, isku si ayaa loo qabilaa, waa isku xuquuq, lama soo kala dhawaysto, Safaradaheenuna si kala duwan uguma adeegaan, ee si cadaalad ah ayey ugu adeegaan, waxaana dhab ah in dadkeena qurbaha jooga ay yihiin dad kaalin weyn ku leh horumarka uu dalku gaadhay, ta kale Shirkado ama waxyaabo si gaar ah loo samaystay, oo akoono gaar ah loo sameeystay oo la musuqay ma jiraan, ee Xukuumaddu ha noqoto Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Guddaha iyo guud ahaan Shacabkeeda cadaalad iyo sinaan ayey ugu adeegtaa, Marwadaas hadashayna, ee magaca Xisbiga Waddani ku hadlaysay waxaan leehahay oo aan kula talinayaa inay aad ugu fiirsato waxay ku hadlayso, waana  laga wanaagsan yahay inuu qofku ka fiirsado wuxuu ku hadlayo, mana haboona in la sheego hadalo xaqiiqada ka fog”.

Wasiir Faratoon mar aanu wax ka weydiinay waxaa ka jira in dib u dhac ku yimid Siyaasadii Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Wax alaale wax ka jiraa inuu dib u dhac ku yimid Siyaasadeenii Arrimaha Dibadda haba yaraate ma jirto, waxaanu wadnaa dadaalo, waxaanu rabnaa in qadiyada Somaliland iyo jirtaankeena aynu Wadan  walba gaadhsiino,Xukuumad ahaan iyo Wasaarad ahaanba waxaanu doonaynaa in aanu albaab walba aynu garaacno, oo aynu qarankeena iyo jiritaanka dalkeena aanu cid walba ku qancino, iyo waliba horumarka la taaban karo ee aynu gaadhnay, haddii ay noqoto Dimuqraadiyada, nidaamka Axsaabta badan, hanaanka aynu Doorashooyinka u qabsano, iyo xasiloonida wacan ee dalkeena ka jirta, waxaana tusaale inoogu filan cid kasta oo dalkeena timaado ha noqdaan Safiiro, Wasiiro, Dublamaasiyiin iyo Xildhibaano ka socda qaybaha kala duwan ee Caalamka wey ka garaabaan horumarka aynu gaadhnay, Wasaarad ahaana in aanu sii hagaajino oo aanu hore u socod iyo horumar sii sameeyno mooye, wax dib u dhaca ah oo Siyaasadeena Arrimaha Dibadda ku yimid ma jirto”.

Wasiir Faratoon mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Xidhiidhka Beesha Caalamka waxaa iska bedelay ayaa yidhi “Wadamada aynu jaarka nahay, iyo Wadamo badan oo kala duwan oo ku yaala Caalamka xidhiidh fiican baa inaga dhexeeya, waxaana ku dadaalaynaa oo aynu dadaal ugu jirnaa oo aynu waliba ka codsanaynaa inay Aqoonsi buuxa ina siiyaan madaama aynu Somaliya kala nahay laba dal oo kala madax banaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here