Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xadhiga Nin Hore Loogu Caleemo Saaray Suldaanimo

0
509

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay xadhiga Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan, oo sannadkii hore Hargeysa lagu caleemo saaray, waxaanu sheegay in Suldaankani aanu ahayn Suldaan rasmiya, oo uu iska sheeganayo, isla markaana uu xad gudbay, sharcigiina uu jabiyey, sidaas darteedna loo xidhay.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey sababta loo xidhay Suldaankan, ayaa yidhi “Sharcigii buu jabiyey, wuu xad gudbay, oo Suldaanimo aanu ahayn buu sheegtay, waxaana lama ogola, waxaas ayaanu ku xidhmay kolayba”.

Dhinaca kale Suldaankan ayaa la caleemo saaray ka dib markii ay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye isku dhaceen Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ah suldaanka guud ee Subeer Awal.