Wasiir Cukuse Oo Soo Jeediyay In Dacwada Haatuf Loo Raaco Xeerka Saxaafada

0
552

cukuseHargeysa(Geeska)-Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Cabdilaahi Maxamed Daaahir (Cukuse), ayaa sheegay inuu aaminsanyahay soona jeedinayo in dacwadda loo haysto wargeyska Haatuf loo raaco xeerka saxaafadda ee jira.

Wasiirka Warfaafinta oo hadal ka jeediyey Munaasibadii lagu xusaayey Maalinta Saxaafadda Madax banaan oo Shalay ku beegnayd,ayaa munaasibadaas  ka sheegay in Madaxweyne Siilaanyo kula dardaarmay inaanu u jawaabin Cali Gurey iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wuxuu yidhi Cukuse, “Maanta waxa ay ahayd Maalintii Saxaafadda Madax banaan, ee Caalamka, waxaana filayey, Ururka Saxaafadda ee Solja, ee qaban-qaabiyey iyo Suxufiyiinta halkan isku timid, in waxa laga hadlayo ay noqdo Saxaafadda iyo wixii khuseeya,may ku fiicnayn in Fooram loogu sameeyo Nin Mucaarad ah, Nin Muxaafid ah iyo Niman Siyaasiyiin ah, oo iyagu iskugu jawaaba,oo ay Madal u noqoto oo arintii Saxaafadda la iloobo, waana ka tacsiyadaynaya Ururkii Munaasibadan diyaariyey”.

Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anigu ma doonayo in aan halkan uga jawaabo Odeyaashii waaweynaa  Xisbiyo ka soo jeeday, ama aan ka soo jeedin ee Madasha ka soo jeeday, Nin Siyaasiya oo xanaaqsana iyo Nin kale oo cadheeysanba,madaama Masuuliyadii hayno, waxaana leenahay wixii khaldan ee aad sheegtay ee runtaa ah dadka ayaa ka markhaati furi doona, wixii been ah ee aad adigu is moodsiisay ee xanaaqu kaa keenayna,waanu kaa dejin doona, dhibaatana Dalka ma jirto, Madaxweynaheenu inuu yahay Madaxweyne  Hogaamiye ah, Dalkana Taariikh ku leeyahay,waad nala qirsan tihiin,Dawladdiisu inay xun tahayna idinka ayaanu idinka maqalnaa,Madaxweynaha haddii aad nala qirteen inuu wanaagsan yahay, dhashiisuna wey wanaagsan tahay, Madaxweynaha lama kala reebi karo”.

Wasiirka Warfaafinta oo ka jawaabaya eedo ku saabsan Xukuumadda oo ka soo yeedhay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa yidhi  “Cabdiraxman Cabdiqaadir ayaan u bushaaraynayaa, Anigu markii aan Afhayeenka ahaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadiroow, Madaxweynuhu waxa uu afkiisa igaga yidhi “Waligaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Cali Gurey ha u jawaabin, waayo Inamadaydii ayey ahaayeen.   Madaama uu arintaas I yidhi waligay midna labadiina umaan jawaabin, imikana uma jawaabayo, laakiin waxaan idiin leeyahay waxaas uu Odeygu xasuusan yahay xasuusnaada, oo waxa hore idiin soo dhexmaray xasuusnaada”.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlaya xayiraada  la saaray Wargeyska Haatuf, ayaa yidhi “Arinta Wargeyska Haatuf, imika ayaan hortiina ka leeyahay arintaasi Maxkamada ayey taala, xeerka Saxaafadda ee jira in loo raaco  Xukuumad ahaan sidaas ayaanu rabnaa,Xeerka hadda jirana in loo raaco ayaanu doonaynaa, aniga oo Wasiirkiiyana waxa aan soo jeedin lahaa Saxaafaddu dal gaar ah kamay dhalan, ee dalkeena ayey ka dhalatay, arimihiisana wada hadal ayaa lagu dhameeya, Dalkeena is af-garad ayaa lagu dhameeyaa, in wixii la isku qabto laga wada hadlo ayeynu ku dhameeynaa, anigu dhinacayga diyaar ayaan u ahay aniga oo ku matala Xukuumaddana in aanu dhameeyno  waxaan leeyahay Yuusuf iyo qolada Haatuf  idinkuna noo qabsooma, qolada kalena ha noo qabsoonto arintana si fiican aanu ku dhameeyno.”