Wasiir Caddami Oo Sheegay Inay Somaliland Kala Hadlayso Itoobiya Dadkeeda Lagu Laayay Haawaday

0
804

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa baaq u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay is dejiyaan, oo aanay wax dhib ah u geysan dadka Oromada ah ee dalka jooga, waxaanu sheegay in aanay haboonayn in cid aan waxba geysan dhib loo geysto, waxaanu sheegay in dhibtan dhacday ee lagu laayey dadka, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Somaliland, in laga wada xaajoon doono, oo Itoobiya iyo Somaliland ka wada hadli doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada Somaliland, oo muddo aad u koobani ka hadhay, waxaanu ku taliyey in Nabadgalyada la ilaaliyo, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dadka Qoomiyada Oromada ee dalkeena joogta cidina waxba u sheegan mayso, oo iyagu dambi ma  leh,  nasiib daradan dhacday in fal xun iyo dagaal laga hor geeyana ma wanaagsana, oo cid aan dambi iyo lug ku lahayn ayaa ku dhex dhimaysa, markaas madaama darisnimo jirto, madaama wax la kala qaadanayey, oo waxyaabo lala kala wareegayey ay jiraan,labadii dalna aanay kala maarmi karin, dal weynaha Itoobiya iyo Somaliland-ba, dhibta dhacday iyo dadka ku dhintayba, tacsi baan uga diraynaa, oo waxaanu leenahay Samir iyo imaan, waxaana leeyahay caqligu ha shaqeeyo, oo budhka, budhka ka hor gee yaanay dhicin”.

Wasiir Caddami ayaa mar aanu wax ka weydiinay inay Dawladda Itoobiya xidhiidh arintan kala sameeyeen ayaa yidhi “Dawlad baynu nahay, oo xidhiidh ayeynu la leenahay Dawladda Itoobiya, af wanaagsan iyo af xumba waa lagu hadli karaa, arinkana waa la isla soo hadal qaaday, oo Wasaaadda Kharaajiga iyo Masuuliyiin kaleba wey arkayaan, waa la wada hadlayaa, meel baa wax la wada dhigayaa, nasiib daradaas dhacday in aanay dib u soo noqon ayaa laga wada hadlayaa, dhinaca kale (Oromada), ayaa cadhooday, oo dad la degan oo ay daris yihiin laayey, markaas anigu waxaan aamisan nahay in aan ficilka lagu deg degin, wararka rayiga waa lagu kala duwanaan kara, oo ninba wax buu qabaa, balse anaga ta rasmiga ah ee xagga dawladda ahi, waa taas la ogolaaday in Safiirkiina lala hadlo, dadka halkaas joogana, in sidaas si leeg in wixii talo bixin ah la siiyo iyo wixii ay fidin karayaan, haddii arinku sidaas ka cuslaadana  masuuliyiinta sare in la is arko ayaa qasab noqonaysa, markaas in dadkeena la wacyigeliyo, inta la wacyigelin karo ayaa haboon, waxaynu sheegnaana uu noqdo wax macquul ah oo wanaaga labada darafba ka shaqeeynaya, khaladkana waa wax cad oo cida ku horeeysay iyo cida ku dambaysayba waa la hayaa, oo xitta qofkii wax dhibay waa is og yahay”.

Wasiir Caddami ayaa isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Imtaxaano badan ayaa ina soo food saara, Adduunka oo dhamina waa sidaas, oo Mareykanka waxa ka taagan waa la og yahay, hubkii mamnuuca ahaa in lagu ciyaarayo waa la arkayaa, waxaasna cidii aad u danaynaysa ayey u taala”.

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Ayaa yidhi “Dad walaalo ah haddii la yahay, oo daris la yahay, khaladku xaggooda ayuu ka yimide,malaa Qaadkana jari mayaane,  Dawlad iyana imtaxaankaas ku jirta, oo Somaliyi, iyana meesha wey ku jirtaa, aaro badan bay ka bixiyeen, wax badan oo laga taxadiro ayey sheegeen, in la is wada kaashado oo mawqif fiican la istaago, si wanaagsana waxaynu leenahay iyo garteena u sheegano, ayaa inala gudboon, oo lagu dadaalo in wixii dhacay in aanay dib u dhicin”

Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashadii baa inagu soo fool leh, sidii aynu nabada gaadh uga hayn jirnay aynu u  sii ilaalino, si ciidanka aynu u badino, ayaa inala gudboon, wixii dhibaato iyo hawlo badan inooga baahan inaynu dib u dhigano ayaa wacan”.