Wasiir Cadami, Siduu U Arkaa Inaanu Xukuumadda Cusub Ka Mid Noqon?

0
921

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumadda Axmed Siillaanyo Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan in aan lagu soo darin Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu tilmaamay in aanu wax xiiso ah aanu u qabin xil loo magacaabi waayo.

Wasiirkii Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumadda Axmed Siillaanyo Axmed Xaaji Cali Caddami, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi kula taliyey inuu fuliyo balanqaadkii uu hore u balanqaaday, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dareenkayga wax alaale waxaan ka qabaa ma jiro, intii sanno ee aan dalka joogay, intii aan xilka hayey, iyo intii ka horeeyey ee CIgaal joogayba, Wasaaradna waan soo maray, xilna waan soo maray, xiiso ah oo hadda aan u qabo ma jiro, in si nabadgalyo ah wax inoogu dhammadaan, dawlad cusubi dhisatana ayaa muhiim ah, in cidi meesha ka baxdo, cidina soo gasho wax cusub maaha”.

Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi “Madaxweyne Muuse inuu wakhtigiisa qaato, xilkiisana si fiican u guto ayaan filayaa, ilaa haddana si fiican buu wax u wadaa, wax badan oo uu markii horeba uu ku balanqaaday waxaan ku rajo weyn nahay inuu fuliyo, oo ku saabsanayd dab damiskii lagu sameeynayey waxyaabihii ka yimid Doorashooyinka, kolay Somalidu wey kala cabataa, oo waxay yidhaahdan waa lanagu balan furay, Madaxweyne Muuse waa nin dhalinyaro ah, oo wali da’ yar, milatarina ah, ee waa inuu wuxuu balanqaaday siday tahay u oofiyaa, cid walbana wuxuu ugu balanqaaday uu fuliyo, haddii uu guul keenana isaga magaca baan ugu jira, balse dadku guusha wey la wada leeyihiin”.

Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey Madaxweyne Muuse iyo waajibaadkiisa ka saaran dalka iyo dadka ayaa yidhi “ Waa qasab inuu Madaxweynuhu dadka iyo dalkaba wax u qabto, waa qasab inuu dadkii u codkooda siiyey iyo dadkii codkooga aan siinba uu wax u wada qabto, oo dalka iyo dawladnimada ayey dani ugu jirtaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here