Wasiir Cadami Oo U Jawaabay Siyaasiyiinta Madaxweynaha Ku Eedeeya Inaanu Talin Ee Ay Taliyaan Dad Kale, Kana Hadlay Is Casiladii Cabdillaahi-jawaan

0
488

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Waraasadda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilaha loo soo jeediyo Xukuumadda, ee ay kaga duwan tahay Xukuumaddihii ka horeeyey, ee ah in Wasiiraddu kala awood badan yihiin iyo in aanu Madaxweynuhu talin, ee dad aan la doorani ay taladda dalka go’aamiyaan.

Wasiirka Waraasadda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa mus-dambeedka la hadal hayo inuu Madaxweynuhu u magacaabo Komishanka, is casilaadii la taliyihii Madaxweynaha ee dhinaca Doorashada, dagaalka dhexmaray beelaha wada dego Dharkeenyo iyo qodobo kale, waxaanu wareysigu u dhacay sidan

Xukuumad kasta, waxay leedahay wax lagu dhaliilo iyo wax lagu amaano, balse Xukuumaddan aad ka tirsan tahay waxa lagu dhaliila in Wasiiradda oo Digreeto Madaxweyne ku wada magacaaban inay kala awood badan yihiin maxa arintaas ka jira?

Caruurta uurka hooyadood ka soo wada baxday,ee hooyadood iyo aabahood mar barbaarinayaan mar wax barayaan,mar waaninayaan caruurtaas laftooda ee uurka ka soo wada baxay, isku kartina ma noqdaan,wax-tarkooduna wuu kala duwanaada,mid walba halkay ragganimadiisa iyo dadnimadiisu dhigto ayuu

joogayaa,walaalnimadoodiina waxba yeeli mayso,aabana dambi looga qori maayo,hooyana dambi looga qori maayo,markaas sidaas oo kale weeye dawladnimadu,  mar haddii uu Madaxweynuhu wada magacaabay Wasiiradda,wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir ku xigeenada,darajo loo kala sameeynayaa ma jiraane haddii ay kala firfircoonadeen wax dhib ah oo ku jiraa ma jiro,cidii xilkeeda ka soo baxdana waa la dhiirigelinayaa,waa loo ducaynayaa oo waa khayr baa la leeyahay, cida aan ka soo bixina ee ka gaabisa, waa loo cudur daari,haddii aanu cudur daar jirina waa la baraarujin, cid baraarujisana waayi maayo,laakiin ma jiraan dad leh lambar gaar ah oo la leeyahay kuwana waa la jecel yahay,kuwana waa la neceb yahay.

Siyaasiyiinta qaarkood waxay sheegaan inaanu

madaxweynuhu talin ee ay taladii dalka hayaan dad aan la doorani. Maxaad ka leedahay?

Marka hore waxa haboon inuu qofku ka fiirsado hadalku inta aanu afkiisa ka soo bixin,mana haboona in rag iyo dumarba waxay doonaan iskaga hadlaan oo ay warbaahinta soo fadhistaan,xoriyatul qawalkuna maaha in aan dhaawac u geysto masiirka umadda iyo geedi socodkeeda, waxa loo baahan yahay in umaddu wada shaqeeyso oo la iskaga tudho kalimaadka cadaawada abuuri kara,umaddana kala fogeyn kara,waana aflagaado aan meesha qaban in la yidhaahdo Madaxweynuhu ma taliyo,Madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), isaga dalka ka taliya,oo Madaxweyne ka ah, oo la doortay, cid uga sareeysa taladda dalkuna ma jirto.

Cabdillaahi Jawaan oo ahaa La Taliyihii Madaxweynaha ee Doorashooyinka, Komishankii ugu horeeyey ee Doorashooyinka ayaa ka wada mid ahaydeen. Sidee ayaad u aragtaa is casilaadiisa iyo eeddaha uu Xukuumadda ka sheegay?

Cabdillaahi waa Nin oday ah oo aanu soo wada shaqeeynay,imikana ahaa la taliyaha Madaxweynaha ee Doorashooyinka,kolay waxay noqon lahaydba hadda garnaq uma baahna, Cabdillaahina inuu sidaas u cadhoodo may ahayn,ee inuu u midaan dayo wuxu odhanayo ayey ahayd

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa la hadal hayey in Madaxweynuhu Guddi Mus-dabeed ah u sameeynayo Komishanka Doorashooyinku, siyaabo kale duwana waa looga hadlaayey, markaas adigu madaama aad Guddoomiye ka ahayd Komishankii ugu horeeyey, Guddidan Mus-dabeedka ee la hadal hayo muxuu kula muuqda?

Guddida mus-dabeedka cid hawada ka diidaysana waan arkay,laakiin meel ay ku soo baxday maan arag, Baarlamaankii iyo Hay'addihii sharci dejintu meel ay ku soo gudbiyeen ma arag,laakiin waa hadal hayn uu suuqu hadal hayo,balse  waxa wanaagsan in qofka maduulka ahi aanu isku qaadin jawaabteeda  soo dhaweeynteeda iyo fogeynteedaba,ilaa wuxu ay cago dhigtaan.

Xukuumaddu go’aano ayey ka soo saartay Dagaalka dhexmaray Beelaha wada dega Dharkeen-geenyo, adiguna waxaad ka mid ahayd Wasiiraddii u tagay Beelahan, markaas go’aamadan ma sii socon karaan?

Markii aanu u tagnay si gobonimo ah ayey sameeyeen,oo wey qirteen khaladkii dhacay,wey qirteen dhiig daatay iyo dad dhintay oo akhiro tagay mooye,in faa'iido la gaadhay in aanu jirin,dagaal ehliya oo dhacaana waa nasiib daro,khayrna ma leh,Xukuumaddu go’aano ayey ka soo saartay, go’aanadaasi waa inay sidooda u fulaan, waxaana Beelahan dagaalamaya hadda ku dhex jira Ciidamadii Qaranka, Ciidaamaduna dhinac maaha, ee nabadgalyadooda iyo wanaagooda ayey ilaalinayaan, ee labada dhinacba waxaan leeyahay Ciidanka xaq-dhawr iyo ixtiraam u muujiya.

Dagaalka Beelaha wada dega Deegaanka Dharkeen-geenyo wuu soo noq-noqday,ma la odhan karaa faragelin bay cid kale ku wadaa maxaad se  labadan beelood ugu baaqaysa?

Waxaan ku talinayaa in caqligu shaqeeyo oo caadifada laga tago,dadkana waa dad walaalo ah oo isku deegaan ah oo raxmada iyo roobka qaybsanaya,waxaana ku talinayaa in aad looga taxadiro dhiig data.

fara?elin iyo fal-qalalo kale oo ina soo galay wey jirtay,laakiin anigu rayi ahaan waxa qaba in arintani tahay arin daakhili oo aanay somaliya iyo cid kaleba aanay shaqo ku lahayn.

Sida cad dawlad walba oo Somaliya ka dhalata madax-banaanida Somaliland wey iska indho tirtaa, waliba waxay la gashaa dagaal

diblamaasiyadeed, ee maxaad Somaliya ugu baaqaysa?

Somaliland xaasadnimo la xaasido iyo lugaha oo la jiido xoog bay ka qaada,haddii ay Somali weyn tahay iyo haddii Somali yar tahayba,mar walba oo la soo farageliyo awooda Somaliland wey sii adkaata,Dawlad,Mucaarad iyo Muxaafidba waa isku mawqif, waxaana guud ahaan Bulshada Somaliland leeyahay isku duubnada, dawlad walba oo Somaliya timaadana wax alaale waxay inaga qaadaysa ma jirto.