Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Isku Shaandhaynta Madaxweynuhu Sameeyay

0
530

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay isku shandhayntii ugu dambaysay ee uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaanu ugu horeyn wax ka weydiinay sida uu arko Isku shandhayntan u dambaysay iyo dhaliisha Madaxweynaha ee isku shandhaynta joogta ah waxaanu ku jawaabay“Anigu cid aan ku digaynayaa ma jirto, balse dadka qaar inay xumaan ka sheekayaan mooye, ayaan wanaaga ka sheekayn aqoon, waana dabeecad rabaaniya oo ILLAAHAY ku sameeyey, Madaxweynuhuna la taliyayaal buu leeyahay, isaga ayaana xaq u leh inuu isku shandhayn sameeyo, cida uu doonana xilka uu ka qaado, cida uu doonaana xilka u magacaabo, laakiin maxa cid loo cabudhinayaa iyo maxa waxaas loo yidhi midna odhan maayo, laakiin waxaan leeyahay in wax loo midaan-dayo, ayaa haboon, lamana baran inuu xun yahay iyo in kale kan la magacaabay, kii horeba xilka laga qaaday, maaha in wax kale laga soo saaro, ta kale hawsha aanad waxba ka qaban karin, arin aanad awood u lahayn oo laga xigo hawsheeda inaad ku deg degtaa waa laga fiicanyahay, balse dadka waxba la iska jeclaysiiyo, dadba jecel in hadba wixii soo baxa inay ka hadlaan, dad baa jecel haddii Dayaxa laga hadlaayo inay yidhaahdan anaga faalkiisa iyo shaqadiisa iyo sida uu u shaqeeyaba anaga na naqaana, taasna looma baahna, balse haddii uu qofku uu yahay qof weyn oo qofka uu wax ku kordhinaayo ama daris maqan uu dadka maqashiiinaayo, xor buu u yahay, laakiin  bogaadintu haddii ay jirto, waa inay dhaliisha ka badataa, dhaliisha sida hawsha yar la iskaga sheekayana in loo midaan-dayo ayaa loo baahan yahay, hadda anigu ma nihin ha la aamuso, laakiin waxaan leeyahay ha loo midaan-dayo waxa la odhanayo iyo waxa la qorayo, Somaliladu waxay tidhaahda intaanad falin ka fiirso”.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashandhiga ayaa ka hadlay shuban biyoodka ka dilaacay deegaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan Shuban Biyoodka ka dilaacay Magaalada Burco, ee keenay in dad u dhintaan, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddu dadaal xoogan ka gashay inay la tacaasho cudurkan, iyo inay dadka gurmad deg deg ah oo dhinaca caafimaadka ah la gaadhay, waxaanu u mahadnaqay cid walba oo gacan ka gaystay.