Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Dareenada Beesha Caalamka Ee Dib U Dhaca Doorashada Iyo Sahanka Shidaalka

0
657

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay Shirkaddaha Shidaal baadhista ka wada deegaano ka mid ah Dalka, mawqifka ay Midawga Yurub iyo beesha caalamku ka istaageen Somaliland, dhaliishii ku waajahnaa Xukuumadda ee uu Magaalada Hargeysa ka sheegay Safiir ku xigeenka Inpgiriiska ee Somaliland iyo Somaliya, ee ahaa dib u dhac dilay sumcadda Somaliland oo ku yimid doorashooyinkii iyo nidaamka dimuqraadiyadeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu wareysigani u dhacay sidan

Midawga Yurub, mawqif adag buu ka istaagay Somaliland, Ingiriiskuna wuxuu sheegay in aanay Somaliland ka qayb gali doonin Shirka London, ee dhici doona Bisha Shanaad ee sannadkan, markaas Xukuumad ahaan maxaa idinka meel yaala?

Wadan kasta isagaa dantiisa og, dib u dhaca ku yimid Doorashaduna, maaha marmarsiiyo, ee abaar aad u culus, oo taariikhda aan ina soo marin ayaa inagu dhacday, nabaradeediina wey ku yaalin umadda, dhibaatooyin badan baana abaarta dadkeena ka soo gaadhay, waxaana run ah in Wadan kasta uu dantiisa ka og yahay, abaartana maaha mid aynu ku marmaarsoonayno, ee daafaha dunida oo dhan ayaa laga og yahay, marka maadaama aynu danteena raacanay,  Wadamada aynu  saaxiibka nahay maaha inay inagu digtaan, waxaana xaqiiqo ah in haddii aynu qaban lahayn Doorashada in la odhan lahaa dadkoodii oo dhibaataysan oo abaari hayso ayey Doorasho iska wataan, markaas in Doorashada dib loo dhigo danta dadkeena ayey ahayd, ee cidii lihi abaari ma jirto, iyadaa og halkay roob ku ogayd.

Safiir ku xigeenka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somaliya, wuxuu sheegay  isagoo dalka gudihiisa ku sugan dhaawac ku yimid hanaankii Dimuqraadiyada Somaliland, Xoriytul qawalkii. Markaas maxaad ka leedahay?

Dimuqraadiyad aynu dhaawacnay ma jirto, ee dib u dhaca Doorashada weynu asiibnay, waana la isku raacsanaa, oo Dawladda, Golayaasha, Mucaarad iyo Muxaafidba waa la isku raacay, laakiin waxa xaqiiqo ah in haddii aynu qaadan lahayn go’aamada dad aan dhaqankeena waxba ka garanaynin, oo waxa dalkeena ka jira ee dadkeenana haysta aan garanayn, haddii aynu Doorashada gali lahayn, inay odhan lahaayeen Dimuqraadiyadii ayey ku tunteen, oo dadkoodii oo dhibaataysan oo abaar, gaajo iyo haraad dadkoodii haya ayey Doorasho galeen, oo wax kale ayaa la sheegi lahaa, markaas wax la isku ciil kaambiya meesha ma yaalan.

Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya muddo ayey hakad galeen, waana tan oo Somaliland  laga reebay Shirka London, ee side ayay ku sii socon karaan wada hadaladu?

Sideedaba, marka la wada hadlaayo, heshiiska ugu horeeya waa in aan la isku xad gudbin, oo qoloda kale ay xurmayso qolada kale, oo wixii dhibaato keenaya in la kala dhawro, ayaa loo baahan yahay, ilaa haddana wax muuqda ma jiraan oo waxa si fudud loo leeyahay sidan iyo sidan ayaanu yeelaynaa, waxayna dantu ku jirtaa in wixii mudan laga wada hadlo, oo cid waliba is garato awoodeeda iyo waxay tahay,oo la kala nabadgalo.

Marar badan baa Somaliland iyo Somaliya, wada hadleen, haddana ilaa hadda ma muuqato qodobaddii ugu muhiimsanaa ee ahaa in labada dal kala go’aan ama ay midoobaan in laga wada hadlo, ee miyaanay haboonayn in qodobadaas laga wada hadlo?

Arintan kala go’a iyo midnimo, waxay u taala Shacabka, ee intaan la gaadhin qodobadan, in  si xushmad leh oo ixtiraam ku jiro ayaa loo baahan yahay, inagu Somaliland ahaana waxaynu nahay dal ka madax banaan Somaliya, ee mawqifkeenuna waa sidii aynu Caalamka ugu sheegi lahayn jiritaankeena iyo dawladnimadeena, iyo inaynu Somaliland iyo Somaliya kala ahaayeen laba dal oo markii hore midoobay, markii dambena kala noqday.

Madaama aad tahay Wasiirka Gaashandhga, arinka Saldhiguna uu si gaar ah u khuseeynayo Wasaaraddada, kana mid ahayd Weftigii Xukuumadda ee Imaraadka tagay, kolay ilaa hadda shaki ayaa laga muujinayaa arinta Saldhiga, ee maxaad Bulshada u sheegaysa, muxu se adiga uu kula muuqda arinka Saldhigu?

Safarkaasi wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, qolada Imaraadka iyo Madaxdoodana si wanaagsan baanu u kulanay, talaabooyan hore loo sii qaadayna wey jireen,is afgarad wanaagsana waa la gaadhay, ee wixii tabaabusho ah ee loo baahan yahay, oo dhinaca walba hawshiisa ka ilaashado, oo aanu is maan dhaaf ka iman, ayaanu rajaynaynaa haddii ALLE idmo, qodobadii la iska gaadhay iyo wixii lagu heshiiyeyna waa tii la sheegay, wax shakiya, oo muran ku jiraana ma taagna, niyad wanaag iyo is af garad wanaagsan ayaa la gaadhay,cid walibana inay waajibkeeda gudato ayaa lagu balansan yahay.

Deegaano ka mid ah Somaliland ayaa laga wadaa Shidaal baadhis, Shirkadaha Shidaalka baadhayana sharci u ogolaanaya, oo Golaha Wakiilada ka soo baxay ma jiro, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladuna sharci daro ayey ku tilmaameen,maxay adiga kula tahay?

Golaha Wakiiladu waa Gole Sharci dejineed, haddii la horeeysiiyo iyo haddii la dambaysiiyaba, wax qarsoon oo iyaga kicin karaa ma jirto, ee marka ay Dawladda wixii diyaar ka noqdaan go’aano ayaa la gaadhaya, go’aanada iyo talaabooyinka la qaadayo waa loo gudbinayaa, oo dadka qaar baa waxay ku odhanayaan marka ay Dawladdoodu hawsheeda soo dhamaysato Golaha ha loo soo gudbiyo, oo canaantii ka dhacday heshiiska Dekadda iyo Saldhiga, dadka qaar baa waxay yidhaahdeen maxa loo soo horsiiyey, ee Barlamaanka loo hor keenay, may Dawladdu hawsheeda wadato, markaas waanu maqlaynaa imika in la leeyahay Barlamaanka ha la soo mariyo, wakhtigaana wax walba sheegi doona, ee waxaa muhiim ah in wax alaale wixii is af garan waaya oo Hay’addaha Sharci dejinta iyo Xukuumadduba in aanu dhicin wixii kale ayaa khaati laga joogaye, oo wax walba oo soo kordha is afgarad iyo is fahan lagu dhameeyo.