Wasiir Cabdi Aw Daahir Oo Ubucda Khilaafka KULMIYE Ku Tilmaamay Mursahaxnimada Muuse Biixi

0
497

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir ayaa ka hadlay khilaafka kala fogeeyey Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir oo Shalay ka hadlayey shir jaa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inaanu Guddoomiyaha Xisbigu Muuse Biixi Cabdi awood u lahayn inuu soo magacaabo Xubnaha Guddida Fulinta ee Xisbiga. Ugu horayn Wasiirka Xanaanada Xoolaha  Cabdi Aw Daahir oo ka hadlaya awoodaha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi “Sharciyadi waxay ku dhan tahay Xeerku meelna kama ogola inuu Guddoomiyaha Xisbigu sameeyo Guddi Fulineed, xeerka 14 iyo xeerka Xisbigu waxa uu u ogol yahay inuu magacaabo 11 Xoghaye.”

Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Cabdi Aw Daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay sidii uu u qabsoomay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye iyo halka uu salka ku hayo khilaafka culus ee haatan ka dhex taagan hogaanka xisbiga iyo xukuumada Kulmiye waxaanu yidhi “Shirweynihii waxa uu dhacay si wanaagsan, Golihii Dhexe wuu jiraa, Guddii Fulintuna way jirtaa, Hogaanka Xisbiguna wuu jiraa, mashaakilka kaliya ee jiraa waa inay maqan yihiin  Guddoomiyihii  iyo Guddoomiye ku xigeenka, sharcigana  way garanayaan oo way la socdaa, waxa socda damacii u waynaa ee madaxtinimada qarniga.”

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii la samaynayey kulamadii lagu turxaan bixinayey khilaafka Xisbiga Kulmiye ay Hogaanka Xisbigu ka tanaasuleen inuu damac ka galo Musharaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga waxaanu yidhi “Lixdii bilood ee ugu danbeeyeyna Madaxweynaha Somaliland waxa uu badbaadiyey Xisbiga Kulmiye isaga oo Guddoomiyihii ay u sharaxnaayeen Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale uu ku qanciyey Samaale inuu Guddoomiyaha uga hadho Muuse Biixi, habeenkii aanu turxaan bixinta samaynaynay waxaanu nidhi Muuse iyo Maxamadow miyaad doonaysaan Musharaxa Madaxweynaha waxaanay yidhaahdeen taasi meeshaba ma taalo ee Hogaanka ayaanu doonaynaa markii loo doortayna waxay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa halkaas uu Madaxweynuhu fadhiyo in aanu qabano 2015, dhibaatada jirta waa taas, Sharcigiina wuu yaalaa, Guddoomiyaha, Gudoomiye ku xigeenka iyo Xisbiguna wuu ogyahay, meeshana waxa jira damac Madaxtinimo oo aan wakhtigeedii gaadhin, heshiiskuna waxa uu ahaa Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiguna waa Madaxweynaha Somaliland Gudoomiyaha Xisbiguna waa Muuse Biixi Cabdi.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyey Hogaanka Xisbiga Kulmiye inay kalsooni daro ka qabaan inaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye aanay musharaxa u dooranayn Muuse Biixi taas badalkeedana ay khal khal galinayaan sharciyada Xisbiga waxaanu yidhi “Haddii uu sharci yimaado waxa kala saaraya Golaha Dhexe, markii ay ogaadeen inaan Golaha Dhexe u codaynayn waxa kaliya ee Maanta u yaalaa waa inay sharciyada jabiyaan oo ay sharciyadii xisbiga khal khaliyaan, markaa waxaanu leenahay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa ka maqan Xisbiga xoogiisa ee sharciyada haw soo noqdaan oo Xisbiga ha hogaamiyaan, laakin sida ay doonayaan ee imika ay u wadaan ee ay doonayaan inay xisbiga sharciyadiisa burburiyaan socon mayso”.