Wasaaradda Qorshaynta Oo Qabatay Xuska Maalinta Tirakoobka Adduunka

0
694

 

dadkaHargeysa(Geeska)-Shir-lagu gorfeynayey xuska maalinta dadka Adduunka ayaa shalay  lagu qabtay magaalada Hargyesa, Wasaaradda Sanduuqa  Qaramada Midoobay u qaabilsan tiro koobka dadweynaha caalamka oo si wadajira u soo qaban qaabada xuskaasi ayaa soo bandhigay macluumaad dheer oo la xidhiidha arimaha tiro koobka dadweynaha caalamka ku nool dunida oo dhan.

 

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay agaasimaha guud ee Wasaaradda qorsheynta Qaranka iyo hormarinta Cabdirashiid Axmed Guuleed waxaanu ka waramay ujeedda ka dambeysa qabashada xuska maalinta caalamiga ah ee tirokoobka Adduunka.

Agaasimuhu waxa uu sheegay ka wasaarada ahaan inay isku  taxalujiyeen  inay si dhab ah ugu kuur galaan baaxadda tirada guud ee dadka ku nool Somaliland balse aysan ku guuleysan inay soo helaan macluumaad dhab ah oo la xidhiidha arinkaasi ka dib markii ay caqabadi kaga timid wada shaqayn la’aanta shacaka reer Somaliland oo aan si fiicanu fahan sanayn muhiimadda uu barnaamijkaasi u leeyahay shacab ahaan iyo ka xukuumad ahaan labadaba.

“Somaliland ahaan waxaynu xoogga saaraynaa waxa layidhaado Data Collection [Uruurinta macluumaadka] waayo Somalidu waxay tidhaadaa war la heyaaba talo lahe” ayuu yidhi agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo hormarinta Cabdirashiid Axmed Guuleed.

Marwo Salaado Maxamed Rooble oo ah madaxa hay’adda UNFPA ee Somaliland oo iyana halkaa ka hadashay ayaa ka waratay taariikhda ku aadan 11 July 2011 oo ku aadan xuska sanad laha ah ee maalinta dunidu u aqoonsatay maalinta ka sheekaynta tirada dadweynaha caalamka.

Marwo Salaado waxay intaa ku dartay inay ku matalayso Madashan lagu xusayo xuska maalintaasi hogaanka sare ee UNFPA iyada oo arimahaa ka hadlaysana waxaa hadaladeedii ka mid ahaa “aniga oo ku hadlaya Maagaca UNFPA waxaan maanta halkan uga dabaal dageynaa xuska maalinta caalamiga ah World Population day”

Madaxa xafiiska UNFPA ee Somaliland Marwo Salaado Maxamed Rooble waxay sheegtay ujeedada ka dambeysa tiro koobka  xuska dadyawga caalamka inay tahay si loo hubiyo hormarka qaybaha kala duwan ee bulshadaasi ay gaadhay taasi oo lagu salaynayo sida uu dalkaasi ula jaan qaaday horumarka caalamiga ah iyo inta oo ka faa’iidaystay arinkaasi “ujeedada dadyawga caalamka loo tiro koobaya waxay tahay in la ogaado dalkasta inta dumar ah,dhalinyaro ah,waayeel iyo caruur ah” ayey tidhi Marwo Salaado Rooble.

Dhanka kalana Marwo Salaado waxay sheegtay inay faa’iido leedahay khasaarana ay leedahay haddii ay badato tirada dadka ku nool dalkaasi tusaale ahaan waxayna sheegtay hadii aysan dadku  lahayn aqoon iyo hurmar dhinaca wax saa saarka ah inay badnidaasi dhibaato ku keenayso balse haddii ay dadkaasi yihiin kuwo leh aqoon iyo karti ay ku soo saaraan dhaqaalaha ay  u baahan yihiin  inay taa badalkeeda ay keenayso kobaca dhaqaalaha iyo hurmarka bulshadaasi oo sare u kaca.