Wasaaradda Duulista Oo Ka Hadashay Soo Noqoshada Xagaaga Ee Qurbe-joogta

0
545

Hargaysa ( Hargeysa)-Wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland ayaa ka jawaabtay cabashooyin muddooyinkan dambe ay warbaahinta soo marinayeen qurbe-joogta Somaliland oo ku saabsanaa in lagu soo rogay Visaha dal ku galka marka ay Hargeysa imanayaan.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka wasaaradda duulista iyo hawada Ismaaciil Cali Axmed, oo warkaas lagaga jawaabay ayaa wuxuu u dhignaa sidan “ Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland waxa ay ku war galinaysaa in aanay jirin wax iska badalay habkii socdaal ee ay muwaadiniinta reer Somaliland Dalka ku iman jireen marka ay ku soo laabanayaan, khaastan Dadka sita sharciyada (Baasaboor)  Wadamada Kale, ma jiraan wax Fiise Dal ku gal oo ay soo dalbanayaan, ee sidii horeba ay u iman jireen ayey u imanayaan.

Wasraadu waxa ay uga digaysaa cid kasta oo siyaasadaynaysa danaha qaranka, ee umada majaro habaabinaysa in ay ka waantoobaan oo aanay baahin warar shacabka wiiqaya oo aanay hubin.

Sidoo kale  iyada oo gudanaysa xilka ay qaranka u hayso Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirku, waxa ay gacmo furann ku soo dhaweynaysaa Muwaadiniinta Reer Somaliland ee ku kala nool daafaha dunida Sharciga ay doonaan ha sitaan marka ay Dalkooda imanayaan, Wasaaradu waxa ay ugu diyaaris Muwaadiniinta adeeg hufan iyo raali galin aad u saraysa Madaarada Dalka.

Ugu Danbayntii dadka aan Somaliland u dhalan ee sita Sharciyada (Basaboor) Wadankooda, iyana waa sidii ay hore ugu iman jireen  Wadanka oo Fiise ayey ka soo dalban doonaan Hay’ada Socdaalka Somaliland.”