Wasaaradda Ciyaaraha Oo Soo Saartay Isku Aadka Gobalada Kala Duwan Ee Dalka

0
857

 

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda ciyaaraha Somaliland ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday isku aadka tartanka ciyaaraha kubadda cagta iyo gacanta ee gobalada dalka oo la filayo inay maalmaha soo socda sida loo qorsheeyay ku qabsoonto magaalada Burco.

Wasaaradu waxay soo saartay isku aadka ciyaaraha kubadda cagta iyo gacanta ee siddeeda gobal ee ciyaaraha dalka ka qayb galaya. Isku aadka gobalada ayaa kala ah

Group A

Hargeysa

Hawd

Togdheer

Sanaag

Group B

Awdal

Saaxiil

Sool

Gabiley

Ciyaarta u horaysay ee kubadda cagta waxa lagu furi doonaa labada gobal ee Hargeysa iyo Togdheer, ciyaarta labaadna waxa iska hor iman doona gobalada Sool iyo Awdal. Ciyaarta koowaad ee dhex mari doonta gobalada Hargeysa iyo Togdheer, ayaa la filayaa inay noqon doonto ciyaar adag, maadaama oo uu weligood labadaas gobal ka dhaxayn jiray xifiltan dhinaca kubadda cagta ahi.