Wasaaradda Caddaaladda Oo Qabatay Kulan Lagaga Arrinsanayey Xarumaha Dhimirka Iyo Xabsiyada

0
527

Hargeysa (Geeska)- Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isugu yeedhay daneeyayaasha xuquuqal-insaanka ee dawliga, ururrada rayidka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Kulankan oo qayb ka ahaa kulanno bishiiba hal mar Waaxda Xabsiyada iyo Xuquuqal-insaanku qabato waxa lagaga arrinsanaayey sidii wax looga qaban lahaa xarumaha lagu hayo dadka dhimirka qaba ee aan sharciga lahayn iyo sidii la isaga kaashan lahaa in wax loo qabto maxaabiista dhimirka ka bukoota.

Kulankan oo uu furay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caddaaladda Md. Khadar Axmed Diiriye waxa goob-joog ahaa 12 hay’adood oo isugu jira kuwo maxali ah iyo kuwo caalamiya, waxaana shalay subaxnimadii lagu qabtay xarunta Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirudawlaha Caddaaladda Md. Khadar Axmed Diiriye, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka sharci iyo kuwa caafimaad ee ka jira xarumaha dhimirka ee gaarka loo leeyahay waxaannu soo jeediyey in la sameeyo guddi dawli ah oo qiimaysa xarumahaas sharcinimadooda iyo xaaladooda gaarka ah si kuwa aan sharciyad lahayn tallaabo looga qaado.

Md, Khadar Axmed Diiriye wuxuu sheegay in ay jiraan maxaabiis xabsiyada ku dhex bukoota oo u baahan daryeel caafimaad in la gaadhsiiyo, waxaannu hay’adaha u soo jeediyey in ay waxqabad la yimadaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Md. Jaamac Axmed Cabdiraxmaan, ayaa tilmaamay in shirarka noocan ah ujeeddadoodu tahay in lagu kala helo xog, kadibna la iska kaashado dhibaatooyinka ka jira xarumaha dhimirka ee gaarka loo leeyahay iyo waliba xabsiyada dalka, loona baahan yahay in dawlad ahaan iyo hay’addo ahaan la isku xidhnaado.

Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Xasan Cali Cawad, ayaa tilmaamay in xabsiyada dalka ay ku jiraan ugu yaraan 100 qof oo xannuunka dhimirka qaba oo badankooda ku xukuman dil, waxaannu soo jeediyey in maxaabiistaas haddii xuquuqdooda la ilaalinaayo adeeg caafimaad lala gaadho.

Agaasimaha Waaxda Xabsiyada iyo Xuquuqal-insaanka Wasaaradda Caddaaladda Ibraahim Khadar Siciid, ayaa laf ahaantiisu tilmaamay in xabsiyada ay ku jiraan maxaabiis xannuunka dhimirku ku dhacay, waxaannu soo jeediyey in la iska kaashado sidii siyaasad iyo sharci loogu samayn lahaa xarumaha dhimirka ee gaarka loo leeyahay.

Dhammaan xubnaha hay’adaha ka socday, ayaa soo jeediyey in la isa saaro guddi dawli ah oo xaqiiqo raadin ku samaysa goobaha dhimirka sida cilaajyada, kadibna iska kaashado sidii sharciyad iyo siyaasad loogu samayn lahaa.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen in maxaabiista xabsiyada ku dhex bukoota loo raadiyo adeeg caafimaad oo tayo leh si loo sugo xuquuqaha aasaasiga ah ee bulshada xabsiyada ku xidhan.