Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Oo Soo Gunaanaday Tartankii kooxaha Heerka Kooweed Ee Caasimada

Published on Apr 01 2017 // Ciyaaro

“Hay’ada Mercy Crops Oo Maalgalisay Tartankan”

Waxa maalinkii shalay si rasmiya loogu soo gabagabeeyey garoonka Hargeysa Stadium, tartanka kooxaha heerka koowaad ee Caasimada Hargeysa,tartankan oo loogu magac daray “tartanka Isdhexgalka Dhalinyarada” ayaa waxa soo qaban qaabiyeen Masuuliyiinta Wasaarada CIyaaraha iyo Dhalinyarada JSL iyadoo sidoo kale ay door muhiim ah  ka qaybqaateen xidhiidhka ciyaaraha JSL.  Haddaba Xafladii Gunaanadka oo si habsimiya loogu soo agaasimay garoonka Hargeysa Stadium ayaan waxa kasoo qayb galay| Maamulka iyo masuuliyiinta wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyada Somaliland oo uu horkaco wasiirka wasaarada Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiirka Madaxtoodyada Md. Maxamuud Xaashi, kuwaas si wada jira u gudoonsiiyey Kooxdii Ku Guulaysatay Tartankan ee Goodir. Koobkan ayaa waxa maal-galiyey Hay’ada Mercy Crops, waxaanu in muddo ahba ka socday garoonka Hargeysa Stadium, kaasoo la bilaabay 25-02-2017, waxaana maamulka Wasaarada Ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda cagtuba siwada jira u wadeen habsimi socodka tartankan. Haddaba kullankii shalay ee Finalka ayaa waxa nasiib u helay inay soo gaadhaan labada kooxood ee Goodir iyo kooxda Wasaarada Duulista iyo Hawada, waxaanay guushu ku raacday kooxda Goodir oo 5-4 kaga adkaatay kooxda Duulista iyo Hawaada. Kooxda Goodir ayaa goolasha ay u saxeexeen xidigaha Najiib, Rambo, Daad-madheedh iyo Goolka kale oo ay iska dhaliyeen, halka xidigaha cirka ama duulista iyo hawadana ay u saxeexeen xidigaha kala ah Sh.Xamse iyo Siikaawi oo min laba gool u dhaliyey.

 

Ugu dambayntiina waxa jaa’iso kala duwan halkaasi  lagu gudoonsiiyey xidigii soo bandhigay ciyaar fiican, iyo tabobarihii ugu fiicanaa oo loo doortay Jamaal Jeesto, Halka gool wadihii ugu fiicnaana loo doortay gool haye Baashe oo ah gool wadaha kooxda Xidigaha Cirka ama duulista iyo Hawada, dhexdii ugu wanaagsanaa waxa la siiyey Xidiga Maxamed Jufo oo u ciyaara kooxda Goodir, halka Ciyaartooygii ugu goolasha badnaa loo doortay Aamiin Daadmadheedh oo u ciyaara Goodir.

 

 

 

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!