Wasaarada Caddaalada oo Bustayaal ku Wareejisay Xabsiga Hargeysa

0
862

Hargeysa (Geeska)- Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bustayaal loogu talagalay in waqtiga dhaxanta maxaabiistu huwadaan ku wareejisay Taliyaha Xabsiga Hargeysa Gashaanle Sare Xuseen Cabdillaahi Ducaale.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Xabsiyada Ibraahim Khadar Siciid iyo Agaasimaha Waaxda Caddaaladda Carruurta iyo Haweenka Ismahaan Ibraahim Cabdillaahi, ayaa gaadhsiiyey bustayaashan oo tiradoodu dhan tahay 77 xabadood maxaabiista Xabsiga Hargeysa maanta.
Taliyaha Xabsiga Hargeysa Gashaanle Sare Xuseen Cabdillaahi Ducaale, ayaa uga mahadnaqay Wasaaradda Caddaaladda bustayaashan iyo deeqaha kale ee ay soo gaadhsiiyo. “Waan idiin mahadnaqayaa, waanad ku mahadsan tihiin bustayaasha aad na soo gaadhsiiseen. Halkana waxaan idin kala wareegay 77 buste. Markastana sidaad ugu helan tihiin inaad xabsiga wax u qabataan waad ku mahadsan tihiin,” ayuu yidhi Taliyaha Xabsiga Hargeysa.
Agaasimaha Waaxda Caddaaladda Carruurta iyo Haweenka Ismahaan Xaaji Dool, ayaa xustay in bustayaashan loogu talagalay carruurta si ay waqtiyada dhaxanta u huwadaan.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Xabsiyada iyo Xuquuqal-insaanka Ibraahim Khadar Siciid, ayaa  tilmaamay in Wasaaraddu mar kasta u taagan tahay wax u qabashada maxaabiista iyo xabsiyada dalka,  huga, dawooyinka iyo adeegyada caafimaadna ay ka mid yihiin waxyaabaha daruuriga u ah maxaabiista.

Deeqdan bustayaasha ah waxa xabsiga ugu deeqay hay’adaha UNICEF iyo UNODC, kuwaasoo inta badan si dhaw ula shaqeeya Wasaaradda Caddaaladda.