Wasaarada Caafimaaddka Oo Tafaasiil Ka Bixisay Tiro-koobka Shaqaalaha & Xarumaha Caafimaadka

0
443

Picture1Hargeysa(Geeska)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in dhawaan uu si rasmi ah u bilaabmayo qorshe lagu Tiro-koobayo shaqaalaha ka hawl-gala xarumaha kala duwan ee bixiya Adeegyadda Caafimaadka oo toddobaadkii u danbeeyay uu tababar ku saabsan Qaabka loo sameeyo Tira-koobku uga socday Maansoor Hotel ee
Magaaladda Hargeysa.

Tababarkan loo qabtay Hawl-wadeenadda Tira-koobka shaqaalaha iyo xaruumaha caafimaadka ee dalka kuwa Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba oo ay Wasaaradda ka taageertay hay'adda THET oo ay wada shaqayn-dhaw leeyihiin ayaa lagu baray ka soo qayb-galayaasha sida ay u samaynayaan tira-koobkaas oo noqon doona mid madax-taabasho ah.

 

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo
Tababaradda ee Wasaaradda caafimaaddka Dr. Ciise Cabdi Jaamac, kaas oo sheegay in shaqaalahan la tiro-koobayo looga baahan yahay shuruudo dhawr ah, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisii ku bilaabay "Tirikoobku waxa weeyaan dhamaan Shaqaalaha Caafimaaddka nooc kasta oo ay yihiin ee kala duwan Dhakhaatiirta, Xirfad-layaasha, Kal-kaaliyayaasha iyo cid kasta oo ka shaqaysa Caafimaaddka, kaas oo Qof kasta looga baahan yahay inuu haysto hal shahaado Koobi ah si loo xaqiijiyo waxa uu yahay.

Ujeeddada ka dambaysa waxa weeyaan in la helo xog dhab ah oo ku saabsan Tiradda cadadka Shaqaalaha ee Dalku leeyahay, maadaama oo ay Wasaaradda Caafimaaddku ka masuul tahay Muwaadiniinta Caafimaddkooda waa in la ogaaddo tiradda Shaqaalaha Caafimaaddka. Waxa kale oo ay Wasaradda Caafimaaddku faraysaa dhamaan Xirfadlayaasha Caafimaaddka inay si mug leh uga qayb-qaataan Tirikoobkan xog ururinta ah oo bilaabmo-doona 16-ka bisha ilaa, 20-ka bishana ka bilaabi doona Gobollka Maroodi-Jeex, halka 26-ka bishana uu
ka bilaabmi doono Gobolladda Dalka oo dhan, waana Xog Qaran oo Xirfadle  kastaa xaq u leeyahay inuu ka qayb-qaato". Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha.

Guddida Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Cabdirashiid Xaashi Cabdi, Muxiyo-diin Axmed Jibriil oo ah Agaasimaha Fulinta ururka Shaybaadh-layaasha, Saraakiil ka socday Hay'adda THET, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday mihiimada uu Wasaaradda iyo Qarankaba u leeyahay tira-koobkaasi madaxtaabashada ahi, waxaanay
madaxdaasi sheegeen inay hawshaasi kala qayb-qaadan doonaan Hawl-wadeenadda loo tababaray inay fuliyaan tira-koobkaasi. Ugu danbayn waxa munasibadaasi soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cismaan Xuseen Warsame, kaas oo si qoto-dheer u sharaxay muhiimadda uu tira-koobkaasi u leeyahay Shaqaalaha
ka hawl-gala Goobaha Caafimaaddka dalka, isaga oo hawl-wadeenadda hawshaasi loo carbiyeyna kula dardaarmay inay si daacad ah u fuliyaan shaqada loo igmaday, isla markaana waxa uu ka codsaday inay masuuliyad
iyo taxadir badan la yimaadaan si aanay u xumaanin hawsha tacabka iyo dhaqaalaha badani ku baxayo. Dr Cismaan waxa uu shaqaalihiisaasi iyo xubnaha tirakoobka samaynaya kula dardaarnay inay si cadaalad ku dhisan u gutaan waajibaadka loo igmaday si buu yidhi loo helo xog dhab ah oo ku taxaluuqda shaqaalaha iyo xarumaha caafimaadka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Xuseen Warsame waxa uu u
mahad-celiyey Hay'adda THET, macalimiinta tababarka bixinaysay iyo dhamaan hawl-wadeenada kale ka qayb-qaatay hawshaasi, ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu yidhi "Xogtani waxay tahay mid aad
u muhiim ah anaga Wasaaradda ahaan-na noo ah, Xogtaasi waxay naga caawinaysaa inaanu inaanu Qorshayno, Qorshihii Caafimaddka ee Dalka haddii aanan xogtan haysan waxba noo suurtoobi maayaan, markaa
waxaanu doonaynaa xogtaasi inay noqoto xog aad u muhiim ah Wasaaradda waxa loo xil saaray inay keento Adeegyaddii Caafimaadka si loo helo Bulsho Caafimadd  qabta".