Wasaarada Arrimaha Dibada Oo Beenisay War Sheegaya Inay Xukumada Somaliland Wada Hadal La Galayso Dawlada Sh Shariif

0
1005

 

dibadaHargeysa (Geeska)- Wasaarada arrimaha dibada Somaliland ayaa maanta daboolka ka qaaday in uu waxba kama jiraan yahay war sheegaya in xukumadu ay nidaam federal ah la samaynasyo dawlada Somalia ee uu hogaamiyo Sh Shariif. Waxaa sidaas lagu sheegay warsaxaafadeed laga soo saaray wasaarada arrimaha dibada.

 

Wararka la baahiyey ayaa sheegaayey in wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland uu sidaas sheegtay, kaas oo ay si cad u beenisay wasaarada arrimaha dibadu, isla markaana ay sheegtay in aanu warkaasi ahayn mid ka soo baxay afka wasiirka iyo wasaarada. Qoraalka laga soo saaray warkaas ayaa lagu yidhi sidan:-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland waxay beeninaysaa war lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland oo muujinayay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland uu sheegay inay Somaliland la samaysanayso nidaam federaal ah ama dawlad wadaag ah Soomaaliya.

Wasaraddu waxay caddaynaysaa in aanu Wasiirku odhan hadalkaasi masuulna ka ahayn tarjumaada ay ka bixiyeen qaar ka mid ah saxaadda dalku. Waxay kaloo Wasaaraddu ka digaysaa inaan shacabaka Somaliland lagu jahawareerin warkan oo si khaldan u cabbiraya siyaasadda xukuumadda.

Waxay Wasaaraddu halkan ka bayaaminaysaa in siyaasadda xukuumadda Somaliland ee Somaliya ay tahay mid cad oo shacabka iyo beesha caalamkuba ka dharagsan yihiin.

Waxayna siyaasadaasi qeexaysaa in ay Somaliland tahay dal  madax banaan oo dunida ka sugaya aqoonsi siyaasadeed oo buuxa, dan iyo muraad toona aan ka lahayn midaw dambe oo ay la yeeshaan Somaliya noocuu doono ha noqdee. Waxayna Xukuumadda Somaliland ay dunida u kala dirtay war-murtiyeed ka turjumaya mawqifkaasi munaasabaddii 18 May ee todobaadkan looga dabaaldagay adduunka oo dhan.

Waxayna xukuumaddu ku caddaysay qoraalka war-murtiyeedkaasi in Somaliland ay jeceshay in xal loo helo mushkiladda raagtay iyo colaadda ka aloosan Somaliya, laakiin ay doonayso inay noqdaan laba dal oo jaar ah oo walaalo ah, oo ku salaysan rabitaanka shacabka Somaliland iyo dastuurkoodaba.

Waxay kaloo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ay halkan ku beeninaysaa war kale oo ka soo baxay qaar ka mid ah saxaafada dalka oo ku saabsan Wasiirka Duulista iyo Hawada, oo sheegay in uu wasiirku dhaqaale ka qaatay Kuwait sifa sharciga aan waafaqsanayn imikana uu cadho dalka kaga maqan yahay. Waxaanu u sheegaynaa shacabka Somaliland in warkaasi yahay war aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah.

Waxaanu caddaynaynaa in Wasiirka Duulista uu ka mid ahaa waftigii Madaxwaynuhu hogaaminayay ee dhawaan safarka shaqo ku tagay dalka Kuwait. Waxaanu Wasiirku si habsami ah u soo gutay waajibaadkiisii qaran ku waajahnaa safarkaa, immikana uu dalka dibadda uga maqan yahay safar caadi ah. Waxaanu shacabka Somaliland u sheegaynaa in aanay dheg u dhigin warkaasi oo xaqiiqda ka fog.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga