“Wasaarad Dad Iyo Qalaba Buuxda Ayaan Ka Tagay Oo Magac Iyo Haybad Leh”

44
4215

Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadii Axmed Maxamed Siilaanyo, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa sheegay in wasaarada warfaafinta uu kaga tagay qalab iyo shaqaale camiran, isaga oo ka jawaabaya hadalo ka soo yeedhay masuuliyiinta wasaarada warfaafinta.

Waxa uu wasiir Cadaani sheegay in wakhtigiisii wasaarada warfaafintu ay lahayd haybad iyo sharaf, waxaana isaga oo la hadlaayay tilifishanka HCTV uu yidhi “Waxaan ka tagay wasaarad aad iyo aad u qurux badan oo shaqaale nadiif ah oo hawl qaran dalkan u haya  oo aan fasax lahayn,waxay ka mid tahay waxyaabaha aanan nolashayda waligay ilaawin, wasaaradaas oo waxaan imi buuq badan ka jiro, waxaanan ka tagay wasaarad jabsan oo shaqaalaheedu hablo iyo ragba aan is leeyahay waa muwaadiniin uu dalkani u baahan yahay, dhalinyaro weeye oo dhalinyarada waa la isku dhacdhacaa, waan ka odayayn jiray anigu.”

Wasiirkii hore ee warfaafinta oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Wasiirada yimi waxba odhan maayo, laakiin mid waan ka jawaabayaa oo ah kunbuyuutar kaliyaata ayaanu wasaarada ugu nimid waa wax caqliga ka weyn, wasaaradu waa wasaaradaha dalka ugu waaweyn, wasaarad dad iyo qalaba buuxda ayaan ka tagay oo magac iyo haybad leh, oo umaduna ay ogtahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here