Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha Somaliland Xamda Maxamed Xuseen

0
1144

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Og: Wasiirka Madaxtoyada Jamhuuriyadda Somaliland

Og: Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeeddo: Codsi

Mudane Madaxweyne

Sannadihii ugu danbeeyay waxaa dalka kusoo noqnoqonayay abaaro baahsan oo saameeyay dad iyo duunyoba. Abaaro nafo badan oo xaq u lahaa in ay nolol fiican helaan innaga galaaftay, abaaro curyaamiyay dhaqaaleheennii inta badan ku tiirsanaa xoolaha nool.

Mudane Madaxweyne cimilo geddoonka ka dhacay dunida oo aynu la wadaagno dadka kale ka sokow, haddana waxaa qayb weyn ka ah dhibta, hay’adihii ku shaqada lahaa oo aan masuuliyaddii saarnayd kasoo bixin. Waxaa la kari karayay in la yareeyo waxyeellada abaarta haddii hore looga sii gaashaanto.

Mudane Madaxweyne waxaa gebi ahaanba ay shaqadeedii Meesha ka maqantahay hay’adda ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, iyada oo sannad walba ay miisaaniyadda ugu jirto, lacag wax badan lagu qaban kari lahaa.

Mudane Madaxweyne aniga oo ah muwaaddinad reer Somaliland ah, waxa aan kaa codsanayaa; in Sahrakiin Cabdiraxmaan Axmed aad u magacawdo Guddoomiyaha Hay’adda Ka Hortagga Masiibooyinka Dabiiciga Ah.

Mudane Madaxweyne, waxa aan ku ogahay Sahrakiin saddex sifo oo ay hay’addaasi u baahantahay; Hawlkarnimo, Aqoonteedii iyo Daacadnimo.

Xamda Maxamed Xuseen

Hargeysa, Somaliland